12.1 C
London
Saturday, October 18, 2025

Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho oo deegaano ay u qaxeen looga daba geeyay dhibaatadii ay ka carareen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 19, 2007(HOL): Dadkii ka barakacay magaalda Muqdisho ee u qaxay inta u dhaxeysay magaalada Mqudisho iyo Degmada Afgooye ayaa deegaanadii ay u qaxeen waxaa looga daba geeyay dhibaatadii ay uga carareen guryahoodii ku yiilay magaalada Muqdisho.

Afar Ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaari Ciidan ah oo galbinayay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wafdi kala yimid Magaalada Baydhabo lagu qarxiyay Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah meesha kaliya ee ay u qaxeen inta badan dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho.
 
Gaarigaas ayaa markii la qarxiyay kadib waxaa rasaas furay ciidamo kale oo la socday gaarigaas, iyadoo rasaastaasna ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadkii rayidka ahaa ee ku sugnaa hareeraha Wadada marta Deegaanka Ceelashada Biyaha.

Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay ku nool yihiin dad badan oo ka cararay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid ay ka furan yihiin goobo ganacsi oo aad u tiro badan, iyadoo marka aad deegaankas mareysana aad u maleyneyso in aad dhex socoto Suuqa Bakaaraha mashquulka ka jira aawgiis.
 
Dadka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa si weyn u cambaareeyay Dadkii Miinada u dhigay Gaarigii Wadada marayay iyo weliba Ciidamadii qaraxaas kadib rasaasta furay ee dhibaatada u geystay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxayna codsadeen Dadka u barakacay Deegaanka Ceelasha Biyaha in aan mar kale la sii barakicin.

Xaalka Deegaanka Ceelashada biyaha ayaa saaka wuxuu yahay mid caadi ah, waxaana sidii hore u socda isu socodka dadka iyo gaadiidka iyo weliba dhaqdhaqaaqyada ganacsiga, inkastoo ay jiraan dad meelihii ay deganaayeen ka sii cararay kadib markii uu qaraxa dhacay, kuwaasi oo ka baqayay in ay deegaankaas tagaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo beryahan meelaha lagu arko ay dadku ka cararaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).