12.1 C
London
Saturday, October 18, 2025

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo handadaad ku sameeyay Shaqaalaha Shirkadda Coca Cola ee Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 19, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aad u hubeysan ayaa waxay gudaha u galeen Xarunta Shirkadda Coca Cola ee magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Xasan oo ah madaxa ammaanka Shirkadda Coca Cola ayaa u sheegay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho in iyadoo shirkadda ay howl maalmeedka wadato ay u soo galeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu argagax geliyay Dadkii banaanka shirkadda ka joogay iyo Shaqaalihii Gudaha Shirkadda ku jiray.

C/raxmaan Xasan waxaa uu sheegay in aan wax dhibaato ah loo geysan shirkadda iyo shaqaalaheeda, marka laga reebo handadaad loo geystay shaqaalaha Shirkadda oo qaarkood ay Ciidamada hunguryeeyeen Taleefoonno Mobile ah oo ay heysteen.

Madaxa Ammaanka Shirkadda Coca Cola waxaa uu sheegay in markii ay qadar daqiiqado ah Ciidamada ku jireen Xarunta Shirkadda uu yimid Nin Sarkaal ah oo uusan magaciisa garaneynin, kaasi oo Ciidankii ku canaantay cidda u fasaxday in ay galaan Xarunta Shirkadda Coca Cola, sidaasna ay ciidankii uga tageen.
 
“Dhibaatada aan qabno ayaa waxay tahay  in hadda ka hor Xarunta Shirkadda ay galeen Ciidamada Dowladda, haatanna ay tahay markii labaad oo ay Ciidamada Dowladda galaan, iyadoo weliba aan hubkii Shirkadda Dowladda ku wareejinay”ayuu yiri C/raxmaan Xasan oo sheegay in shaqaalaha Shirkadda ay haatan leeyihiin sida xaalku yahay kuma shaqeyn karno.

Ugu dambeyntiina, Shirkadda Coca Cola ayaa intii ay socdeen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay Bilihii Maarso iyo April ee sanadkan ayaa waxaa bililiqo loo geystay xarunta shirkaddaas, iyadoo la qaatay Computer-ro ay shirkaddu lahayd, qalab xafiiseedyo iyo weliba sokor iyo budo laga sameynayay cabitaannada ay shirakdda sameyso oo kala ah Coca Cola, Fanta iyo Sprite.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).