Arbaco,
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Idaacadaha iyo Wargeysyada ka howlgala magaalada Muqdisho looga baahan yahay in ay qaataan Warqadaha ogolaashaha shaqo, isagoo carrabka ku dhuftay in Idaacaddii ama Wargeyskii aanan qaadan albaabada loo laabi doono.
“Idaacaddii ama Wargeyskii aan qaadan warqadaha ogolaashaha shaqo muddo 30 maalmood gudahood ah looma ogolaan doono in ay ka shaqeyso Magaalada Muqdisho albaabada ayaana loo laabi doonaa”ayuu yiri Maxamed Dheere oo ugu baaqay Milkilayaasha Idaacadaha iyo Wargeysyada ka howlgala Magaalada Muqdisho in ay is-diiwaangeliyaan, isla markaana ay qaataan warqadaha aqoonsiga shaqo.
Maxamed Dheere oo wax laga weydiiyay sababta loo xiray Idaacadaha Shabeelle, Simba iyo Banaadir ayaa sheegay in ay Idaacadahaas ka shaqeynayeen sida uu hadalka u yiri falal nabadgelyo darro ah, inkastoo uusan xusin waxa ay ahaayeen falalkaas nabadgelyo darrada ah.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere waxaa uu ugu baaqay Idaacadaha ka howlgala Magaalada Muqdisho in ay ka shaqeeyaan adkeynta Nabadgelyada, isla markaana ay iska dhaafaan wararka nabadgelyo-darrada abuuraya. Hadalka Maxamed Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadkan gudahiisa si KMG ah albaabada loo laabay Idaacadaha Shabeelle, Simba iyo Banaadir oo ka mid ah Idaacado FM ah oo ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online