Arbaco,
Ciidamadan oo wata taangiyadooda ayaa xalay waxay hub la fuuleen qaar ka mid ah dhismooyinka Shirkadaha Xawaaladaha iyo ganacsiga ee ku yaala Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo taasina ay si weyn u qalqal gelisay ganacsato badan oo hantidooda ay ku jirto daaraha ay Ciidamada Itoobiyaanka saaran yihiin.
Sidoo kalena Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaguna waxay ku sugan yihiin gudaha Suuqa Bakaaraha, halkaasi oo ay ka wadaan howlgallo ay hub iyo waxyaabo qarxa ku baarayaan.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax ganacsi ah oo Suuqa ka socda, marka laga reebo ganacsatada oo maalintii seddexaad Suuqa u imaanaya in ay furaan goobaha ganacsiga mar kasta oo loo baahdo in la baaro.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in ay soo gebageboobayaan howlaha baarista ah ee ka socda Suuqa Bakaaraha, isagoo ganacsatada goobahooda shaqo la baarayna ugu baaqay in ay dib u bilaabaan howlahooda ganacsiga.
Laakin waxaa jiro wel wel ay ganacsatada ka muujinayaan Ciidamada Suuqa ku sugan, wuxuuna Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) uu ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ciidamada ka saarto Suuqa, si loo bilaabo howlihii ganacsiga.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayuu ka codsaday Cali Dheere in uu soo farageliyo arrinta Suuqa Bakaaraha, isla markaana uu badbaadiyo hantida iyo nafta ganacsatada Soomaaliyeed oo uu sheegay in shalay 80 ka mid ah laga qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online