12.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Maxamed Dheere oo ugu baaqay Dadka ku ganacsada Hareeraha Waddooyinka Suuqa Bakaaraha in ay si deg deg ah halkaas uga guuraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 14, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ugu baaqay Dadka ku ganacsada hareeraha Waddooyinka dhexmara Suuqa Bakaaraha in ay si deg deg ah halkaas uga guuraan.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in aan la ogolaan doonin in lagu ganacsado taako sharci darro ah oo ka mid ah waddooyinka dhexmara Suuqa Bakaaraha, “Waddooyinka dhexmara Suuqa waa la baneynayaa, waxaana ganacsatada ugu baaqeynaa in ay halkaas si dhaqsi uga guuraan, haddii ay uga guuri waayaana wixii ceeb ah ee halkaas ka yimaada iyaga ayaa qaadi doona”ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Ganacsatda baaqaas loo jeediyay ayaa waxay isugu jiraa kuwa ku ganacsada Gaari Gacamada, kuwa Qoryaha Dabka lagu shito iibiya iyo weliba kuwa Qudaarta ka ganacsada, waxaana loo kala rarayaa Suuqii Ceel Garweyne iyo Siinaay oo ka kala tirsan Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardhiigley.

 

Horay waxaa u jiray ganacsato badan oo isaga guuray Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo u adkeysan waayay rabshadaha ka taagan Suuqa Bakaaraha, waxayna u guureen ganacsatadaas  Suuq Bacaad, Siinaay iyo Xamar-weyne.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku ganacsatda hareeraha Waddooyinka oo ah kuwo aan awoodin in ay kireystaan dukaamo ay ku ganacsadaan ayaa waxay manaafacaadsan jireen nolol maalmeedka ay ka soo helaan waxyaabaha ay ka ganacsanayaan ee ay ku heystaan hareeraha Waddooyinka dhexmara Suuqa Bakaaraha, lamana oga sida uu xaalka ganacsatadaas yar yar noqon doono kadib marka laga rabo goobaha ay ku ganacsadaan ee lagu yaqiinay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).