12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Labo Fannaan oo maanta Muqdisho lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 13, 2007(HOL): Labo fannaan oo ka tirsanaa Fannaaniinta Waaberi ayaa maanta lagu dilay Xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.

 

Abwaan Maxamed Xasan Nuur (Qaamuus) oo ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliyeed iyo Maxamed Axmed (Koba-naar) ayay kooxo hubeysan ku dileen saaka barqadii agagaarka Tabeela Colow oo ka tirsan Suuqa Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

 

Agaasimaha Fanka iyo Suugaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Dalladda Fannaaniinta Qaranka Soomaaliyeed Abwaan Yuusuf Maxamed Muumin (Yuusuf Yare) ayaa xaqiijiyay dilka labadaas Fannaan oo si weyn looga yaqaanay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

Abwaan Yuusuf yare waxaa uu sheegay in labada Fannaaniin ay markii la dilayay ka soo laabteen Degmada Xamar-weyne oo ay ku booqdeen Dad ay asxaab yihiin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay si weynu naxeen markii uu soo gaaray warka ku saabsan dilkooda.

 

Abwaanka oo sii hadlayay waxaa uu ugu baaqay Kooxaha dilalka ka geysta Magaalada Muqdisho in ay u turaan dadka biri-ma-geydada ah oo sida uu yiri ay Fannaaniinta ka mid yihiin, isagoo farta ku fiiqay in Qofka Fannaanka ah uusan lahayn Qabiil uu ku kooban yahay.

 

Magaalada Muqdisho waxaa horay loogu dilay Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Nuur Cusmaan Jeyte iyo Qaasim Axmed Raage (Qaasim Qaxweyste), kuwaasi oo kala ahaa Muusikiiste iyo Jilaa, waxaana labadaba dilay kooxo hubeysan oo bartilmaameedsaday.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxaa ku soo badanaya dilal loo geysanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, iyadoo dilalkaasina ay geystaan Kooxo hubeysan.

  

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).