Talaado,
Koox la magac-baxaday (Xaragada Al-shabaab) islamarkaana sheegtay in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Magaalada ayaa waraaqo ay ku daadiyeen qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne waxaa ay ku sheegteen in ay iyagu yihiin xoogaga ka danbeeya wax yaabaha ka dhacaya gudaha Magaalada.
Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne oo qeybo ka mid ah warqadaasi lagu arkay ayaa sidoo kale lagu qoray in ay socon doonaan howlaha ka dhanka ah waxa loogu yeeray Gacan siinta Cadowg, iyaga oo intaana ku daray in mar walba ay ka xunyihiin in dad rayid ah wax ku noqdaan howlahaasi.
Waa markii ugu horeysay oo warqado ka turjumaya cida ka danbeeysa weerarada lagu hayo Ciidamada Dowlada lagu arko Magaalada Beledweyne inkastoo goobaha lagu arkay warqadaasi yihiin qeybo ka mid ah Xaafada howl-wadaag oo ah halka Qaraxyadii ugu badnaa ee qasaaraha geystay ka dhaceen.
Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay Qaraxyada ka dhacay Magaalada Beledweyne in ay ka danbeeyaan kooxo ka tirsan Maxkamadihii islaamiga oo sida uu maamulku sheegay doonaya in ay qalalaasi galiyaan Nabad-galyada guud, iyada oo marka la eego sheegashadan cusub ay sii xoojineyso tuhun markii horeba maamulku ka qabay kooxaha (Shabaabka) oo lagu tilmaamo in ay yihiin kuwa ugu mayalka adag Maxkamadihii Islaamiga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online