Talaado,
Wadadaas ayaa dib u furantay kadib markii ay kulan isugu yimaadeen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada iyo Mas’uuliyiinta Shirkado Isgaarsiin iyo Xawaalad isugu jira oo Xarumahooda ay ku yaaliin Agagaarka Isgoyska Ex-Koontarool Balcad, kuwaasi oo kala ah Hormuud, Telecom, NationLink, Dahabshiil iyo Qaran, kuwaasi oo wada hadalladooda ay ku saabsanayeen in ay Ciidamada Itoobiyaanka ogolaadaan in Isgoyskaas uu sidiisii hore ku soo noqdo.
Sidoo kalena, mas’uuliyiinta Shirkadahaas ayaa waxay Itoobiyaan ku wargeliyeen in ay jiraan Meydad weli jira xaafadaha dhexdooda, gaar ahaan deegaanada u dhow Isgoyskaas, sidaas darteedna ay doonayaan in meydadkaas la aaso.
Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada ayaa aqbalay dalabka ugu yimid mas’uuliyiinta shirkadaas, waxaana saaka dib u furmay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka Wadada Ex-Koontarool Balcad, sidoo kalena waxaa lagu guuleystay in la aaso meydad ilaa shan Ruux oo maalmo yaalay xaafadaha u dhow Isgoyskaas, kuwaasi oo xitaa qaarkood ay dilaaceen.
Mar kasta oo dagaal dhexmaray Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Warshada Baastada iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya ayaa waxay xiraan isu socodka waddooyinka isaga kala goosha Isgoyska Ex-Koontarool Balcad, waxayna taasi dad badan oo degan Deegaano hoostaga Degmada Huriwaa isla markaana u shaqo tegi lahaa Suuqa Bakaaraha ay ku kaliftaa in ay ka soo wareegaan dhinaca Wadada Wadnaha, iyagoo waddooyin qardo-jeex ah sii maraya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online