Talaado,
Iyada oo sida la sheegay ay xukuumaddu ku eedaysay xubnahan inay soo abaabuleen Muddaharaaddo lagaga soo hor jeedo xadhigga Hoggaanka sare ee Ururka Qaran iyo fulin la’aanta ballan-qaadyo M/weyne Rayaale qaaday oo ahaa inuu sii dayn doono hoggaankan, oo la qorsheeyay inay maanta ka dhacaan Magaalooyinka waawayn ee Somaliland. Kuwaas oo caqabado ku yimid awgeed aan hirgelin, marka laga reebo Magaalada Burco oo uu ka qabsoomay Mudaharaad si nabadgelyo ah u dhacay iyo Magaalada Hargeysa oo roob badan oo qaadi waayay darteed uu u baaqday Mudaharaadkaasi. Balse ay jireen dad isugu yimid meelaha qaarkood.
Saddexdan xubnood ee la xidhay, ayaa sida uu ii xaqiijiyay Eng. Maxamed Jaamac Axmed oo ka mid ah hoggaanka Ururka Qaran, waxay kala yihiin Afhayeenkii Ururka Qaran Maxamed Cabdi Daa’uud oo sida uu sheegay Eng. Maxamed Jaamac laga qabtay gurigiisa Magaalada Hargeysa iyo laba ka mid ah taageerayaasha Ururka oo magacyadoodu kala yihiin, Muxyadiin Mursal Gabboose iyo Cismaan Yuusuf Cismaan, oo iyagana laga qabtay meelo kala duwan oo Magaalada ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegayaa inay ku eedaynayso xubnahan, soo abaabulka Mudaharaadyo mid ka mid ahi ka dhacay Magaalada Burco, halka qaar kale oo la filayay inay maanta isla hal waqti ka qabsoomaan Magaalooyinka Hargeysa iyo Ceerigaabo ay baaqdeen. Inkasta oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Warsaxaafadeed ay soo saartay shalay ku mamnuucday oo ay joojisay Mudaraadyadan, ayaa haddana isu-soo baxyo ay ka qabsoomeen Magaalada Burco. Hase ahaatee, sida ay ii xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, mudaharaadkii la filayay inuu maanta ka dhaco halkaa, ayaa u baaqday amarka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ee lagu mamnuucayay isu-soo baxyadan.
Dhinaca Magaalada Hargeysa ayaanu ka dhicin wax mudaharaad ah oo muuqda, ka dib markii uu roob da’ayay muddo uu hakiyey. “Duruufo iyo hakad ka yimid Roobabka da’ay maanta awgood, waxaanu go’aansanay, lana socodsiinay taageerayaashayadii inaanu Mudaharaadkayagii salmiga aha (Sida nabadgelyada ah u dhici lahaa) aanu dib u dhigno. Kaas oo aanu qaban doono maalmaha foodda inagu soo haya” sidaa waxa yidhi Eng. Maxamed Jaamac Axmed oo ka mid ah hoggaanka ku-meel gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka Qaran.
Dibed-baxyadan lagaga soo horjeedo xadhigga Masuuliyiinta sare ee Ururka Qaran, ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii xubno ka mid ah Guddi ku-meel gaadh ah oo Ururku doortay ka dib xadhiggii hoggaankooda, ay maalintii sabtidii ee toddobaadkan ku dhawaaqeen inay Mudaharaad salmi ah oo ay kaga soo hor jeedaan hoggaankooda wali ku xidhan Xabsiga Mandheera, qaban doonaan. Taas oo Warsaxaafeed jawaab ah oo ay shalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku mamnuucday isu-soo baxyadaas. Isla markaana waxay ku tilmaantay mid ay Ururka Qaran uga dan leeyihiin inay ku abuuraan nabad-gelyo darro. Waxaanay ku hanjabtay Wasaaradda daakhiligu inay tallaabo ka qaadi doonto haddii ay ku dhaqaaqaan isu-soo baxyadaas.
Dhinaca kale, taageerayaal ka tirsan Ururka Qaran, oo isugu jiray aqoonyahan iyo Dhalinyar, ayaa shir jaraa’id oo ay isla maanta qabteen ku dhaliilay mamnuucidda isu-soo bax noocan oo kale ah, oo ay sheegeen inay Xukuumaddu uga dan leedahay iska hor keen. Waxaanay M/weynaha iyo Xukuumadda Somalland-ba ugu baaqeen inay soo daayaan Hoggaanka Ururka Qaran ee xidhan.
Dhawr bilood ayaa laga joogaa markii Xabsiga Mandheera loo taxaabay hoggaankii sare ee Ururka Qaran, oo kala ahaa, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, oo guddoomiyaha ururka ah, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo guddoomiye ku-xigeenka ahaa iyo Jamaal Caydiid Ibraahim oo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee ururka ahaa. kuwaas oo la sheegay in M/weyne Rayaale ballan-qaaday soo dayntooda. Hase ahaatee, waxa arrintaa shaki geliyay xadhigan kale ee la xidhay xubnaha kale ee ka tirsan Ururka.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
Hargeysa,