Isniin,
Xiritaanka Idaacadda waxaa xaqiijiyay Ku simaha Agaasimaha Idaacadda Shabeelle Jacfar Maxamed Kuukaay oo isaga iyo Tifaftiraha Wararka Idaacadda C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaaladda ay muddo kooban xoriyadda ka qaadeen Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo amar la’aan galay Idaacadda Shabeelle oo ku taala Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha.
Jacfar Kuukaay waxaa uu sheegay in markii ay Ciidamada Idaacadda soo galeen ay shaqaalaha Idaacadda dibadda u saareen, kadibna ay ku amreen in ay guryahooda iska aadaan, halka isaga iyo tifaftiraha wararka Idaacadda ay u kaxeysteen dhinaca gudaha Suuqa Bakaaraha oo ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Saraakiisha naloo geeyay waxay nagu amreen in ay Idaacadda Shabeelle xiran tahay ilaa amar dambe oo markaasina aanan hawada la soo gelin karin, waxayna intaas kadib amreen in nala sii daayo”ayuu yiri C/raxman Yuusuf Al-Cadaala oo sheegay in aysan saraakiishaas u sheegin sababta loo xiray Idaacadda.
C/raxmaan Al-Cadaala waxaa uu sheegay in ay Ciidamada Dowladda si wanaagsan ula dhaqmeen Shaqaalaha Idaacadda, isla markaana aysan jirin cid ay ku xadgudbeen, sidoo kalena aysan waxyeelo gaarsiinin qalabka Idaacadda.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Dowladda Federaalka albaabada u laabto Idaacadda Shabeelle oo ka mid ah Idaacado dhowr ah oo ka howlgala Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana jirtay dhowr jeer oo hore oo Idaacadda hawada laga saaray, walow ay jireen marar lala xiray Idaacado kale oo ay ka mid ahaayeen Horn Afrik, IQK iyo Banaadir.
Hay’ado u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwo u dooda Saxafiyiinta ayaa dhowr jeer oo hore waxay cambaareeyeen caburin ay Dowladda Federaalka ku heysto Warbaahinta, waxaana xusid mudan t in ay saxafiyiin badan oo Muqdisho ka howlgeli jiray ay Dalka isaga baxeen kadib markii ay soo gaareen hanjabaado uga yimid dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online