15.7 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo Weerar Bambooyin loo adeegsaday lagu qaaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 12, 2007(HOL): Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa saaka waxaa lagu qaaday weerar loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro.

 

Gaari ay la socdeen mid ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Degmada Yaaqshiid iyo Mas’uuliyiin kale oo maamulka Degmadaas ka tirsan ayaa waxay kooxo Bambooyin ku hubeysnaa waxay ku weerareen inta u dhaxeysa Isgoysyada Sanca iyo Afarta Jardiino, gaar ahaan agagaarka Geed Qalooc.

 

Weerarkaas ayaa la sheegay in aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin mas’uuliyiinta Degmada Yaaqshiid, hayeeshee uu weerarkaas ku geeriyooday mid ka mid ah Ciidamadii ilaalinayay mas’uuliyiinta, halka afar kale oo Ciidamada ka mid ahaana ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

 

Isla meesha maanta lagu weeraray mas’uuliyiinta Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa dhawaan miino lagula qarxiyay Guddoomiyihii seddexaad ee Degmada Yaaqshiid Cabdi Miineey, kaasi oo dhaawac soo gaaray ugu geeriyooday Isbitaalka Keysaney ee duleedka Muqdisho.

 

Horayna waxaa Muqdisho lagu dilay Muxyaddiin Xasan Xaaji iyo Xaaji Cali Fiidow oo labaduba guddoomiyayaal ka ahaa Degmada Yaaqshiid, iyadoo dilkoodana ay ka dambeeyeen kooxo Bastoolado ku hubeysnaa.

 

Ugu dambeyntiina, ilaa 7 Guddoomiye Degmo ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay tan iyo markii la magacaabay maamulka Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), waxaana guddoomiyayaasha la dilay ay madax ka ahaayeen Degmooyinka Huriwaa ( 2 Guddoomiye), Yaaqshiid (3 Guddoomiye), Howl-Wadaag,  iyo Shibis.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).