Isniin,
Ciidamada ku sugan Xarunta Villa
Ilaa iyo haatan lama soo werin wax khasaare ah oo ay madaafiicda lagu weeraray Villa
Sidoo kalena ma jirto cid ka tirsan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo ka hadashay madaafiicda lagu weeraray Xarunta Villa
Xiliga Madaafiicda lagu weerarayay Xarunta Madaxtooyada kuma sugeyn Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sida laga warqabo uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay Diblumaasiyiinta Dalalka Shisheeye ee daneeya Arrimaha Soomaaliya.
Xarunta Villa Somalia oo fariisin u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka u soo guurtay Magaalada Muqdisho waxaa lagu weeraraa madaafiic la sheego in ay ridaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinka dambe waxay noqotay mid ay ka dhacaan iska hor-imaadyo hubeysan, qaraxyo iyo dilal loo geysanayo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho-na ay keentay in ay dad badan isaga cararaan Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online