13.6 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Xaaladda Magaalada Muqdisho oo degan iyo Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo la wareegay gacan ku heynta waddooyin muhiim u ah isu socodka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 11, 2007 (HOL): Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya kadib seddex maalmood oo ay dagaallo ka socdeen.

 

Inkastoo aysa jirin cid laga adkaaday labada dhinac ee ku dagaalamaya magaalada Muqdisho hadana waxaa jirta xabad-joojin iskeed ah oo aysan jirin cid ku dhawaaqday, waxayna Ciidamada Dowladda Federaalka iyo  kuwa Itoobiya ay gacan  ku heyntooda la wareegeen Waddooyinka Warshadaha, 30-ka iyo Wadnaha, kuwaasi oo aaney haatan isticmaaleynin dadka iyo gaadiidka.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa kuwooda ugu badan waxay fadhiyaan Waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag, Bakaaraha, Carwo Idko, Baar Ubax iyo Black Sea, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamo tiro badan oo Soomaali ah ay gudaha Suuqa Bakaaraha baaris ka wadaan.

 

Xaafadaha ay labada dhinac ku dagaalameen oo ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag, Wardhiigley, Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa waxay yihiin kuwo ay Dadkii deganaa ka barakaceen kadib markii ay u adkeysan waayeen madaafiicda iyo rasasta aan loo meel dayin ee ay labada dhinac isku ridayaan, waxayna dadkii xaafadahaas deganaa ay qaarkood u barakaceen gudaha magaalada Muqdisho, halka kuwo kalena ay u carareen Duleedyada Muqdisho.

 

Dhanka kalena, Waxaa maalintii seddexaad aanu wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aaney ganacsatadu u shaqo tegin Suuqaas oo ay waddooyinka laga galo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay Dadka iyo Ganacsatada ka baqayaan in ay iska hor-yimaadaan Kooxaha hubeysan ee dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).