9.6 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Madaafiic ku duqeeyay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 10, 2007(HOL): Kadib dagaal xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir  ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu sababay in ay Ciidamada Itoobiyaanka Madaafiic ku garaacaan xaafado ka tirsan Degmadaas.

 

Goobaha ay Ciidamada Itoobiyaanka Madaafiicda ku garaaceen ayaa waxaa ka mid ah qeybta lagu xanaaneeyo Caruurta Agoonta ah iyo kuwa ay Waalidiintoodii  tuureen ee Isbitaalka SOS, waxaana halkaas ku dhaawacmay labo ruux oo ka mid ah howl-wadeenadii Isbitaalka, halka Madfac kale oo ku dhacay iridka Isbitaalkana uu ku dhaawacmay qof rayid ah oo wadada marayay.

 

Ma jiro ilaa iyo haatan khasaare kale oo la xaqiijiyay oo Isbitaalka ka soo gaartay madaafiicda lagu garaacay oo laga soo tuuray dhinaca Warshaddii hore ee Baastada oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Xaafado ka tirsan Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa sido kale waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen Madaafiicda ay Ciidamada Itoobiyaanka adeegsadeen, lamana oga khasaaraha ay madaafiicda ka geysteen xaafadahaas oo iyana dagaal dhawaan ka dhacay uu sababay dhimashada Dad 10 Ruux ka badan.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa madaafiicda adeegsaday kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Isgoyska SOS ay dagaal xooggan ku soo qaadeen Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, waxayna madaafiicda ay Itoobiyaanka tuureen ay bilaabatay kadib markii uu qaboobay dagaalkii labadaas dhinac dhexmaray.

 

Maalin ka hor ayay ahayd markii ay duqeyn iyo toogasho caadi ah ku dileen Ciidamada Itoobiya Dad Rayid ah oo deganaa Xaafado ka tirsan Degmooyinka Wardhiigley, Howl-Wadaag iyo Hodan, kuwaasi oo ay ku jireen Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah.

 

Dhanka kalena, Rasaas ay fureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo marayay Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ku dhaawacmay labo Haween ah oo ka mid ah Dadkii Muqdisho ka barakacay. Ciidamada ayaa la sheegay in ay rasaastaas fureen kadib markii ay ka xirantay Wadada hor-marta Ceelaha Biyaha, iyadoo rasaastaasna ay si weyn u argagax gelisay Dadkii ka fogaaday Xabadda Muqdisho ee halkaas ku sugnaa.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka Muqdisho ku dhaqan ayaa waxaa la soo deristay xaalad nolol xumo iyo nabadgelyo la’aan ah, taasi oo  ka dhalatay dagaallada  aan dhamaadka lahayn ee ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).