9.6 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Dadka Magaalada Hargeysa oo biyo yaraan ay soo wajahday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, 10 November 2007 (HOL): Biyo yaraan ayaa Maalmihii u dambeeyay laga dareemayay qaybo ka mid ah Magaalada Hargeysa. Taas oo ay kor kaceen qiimihii ay ku dhaamin jireen Qasabadaha laga dhaansado iyo waliba Biyoolayaasha u dhaamiya Xaafadaha qaarkood. Isla markaana waxa weli qiimahoodu kacsan yahay Maciishadda quutal-daruuriga ah ee uu ka mid yahay Raashinku.

 

Biyo yaraantan ayaa saameeyay qaybo badan oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Magaalada Hargeysa, gaar ahaan dadka danyarta ah. Taas oo kalliftay inuu kor u kaco qiimihii biyaha ee ay markii hore ku iibsan jireen.

 

Waxay Qasabaduhu markii hore Foostada Biyaha ugu dhaamin jireen Biyoolayaasha Dameerada ku dhaamiya, oo badi dadka gaadhiisya, 1500 SL SH, halka hadda ay ka marayso 3,000 SL SH. Kuwaas o iyaguna xaafadaha kaga iibin jiray inta u dhaxaysa 6,500 ilaa 7,000 SL SH. Halka ay imika ku dhaamiyaan 8,000 SL SH. “Qiimihii hore Foostada waxa nalaga siin jiray 1500, SL SH, imika waxay maraysaa 3,000 SL SH.

 

“Anaguna markii hore waxaanu siin jiray 7,000 SL SH. Imikana waxaaba dhacday markii ay qaaliyoobeen inaanu macaamiisha oo kaliya u shubno, oo aanu ka siino 8,000.” Sidaas waxa yiri Maxamuud Cali oo ka mid ah Biyoolayaasha Hargeysa dameerada ku dhaamiya. Sidoo kale biyo-yaraantan ayaa saamaysay nolol-maalmeedka in badan oo ka mid ah Biyoolayaasha ku dhaamiya Dameerada, Kuwaas oo aan mararka qaarkoodba ka helin anfac ku filan quutal-daruurigiisa.

 

 “Mararka qaarkood oo aanu biyo wayno, waxa dhacda inaanu dhaamino ilaa saddex foosto maalintii, oo aanu dadkana ka siino 10,000 SL SH. Waad garan kartaa lacagta ka soo baxda 3 Foosto, ee aan anigu waxaan cuno doonayo, gaadiidkaan wataa Noole yahay ee uu wax iga doonayo, Reerkii aan u soo foof tagay (shaqo tagayna) I sugayaan, siday u adag tahay inay qaybsanto, waqtiyada qaar ayaanay aniga iyo Dameerka ka soo hadhin waxa na soo gala, dabadeedna uu reerku Biil beelaa”ayuu mar kale yiri Maxamuud Cali.

 

Inkastoo aanay xog rasmi ah oo ku saabsan biyo-yaraantani ka soo bixin Masuuliyiinta Wakaalladda Biyaha Hargeysa, haddana mar aan isku dayay inaan la xidhiidhno way ii suurto geli wayday.

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

kaariye104@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).