9.9 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha oo cambaareysay dhinacyda ka dambeeya Dagaallada ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka socda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 10, 2007(HOL):Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa warsaxaafdeed ka soo saartay Dagaallada ay Dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxayna warsaxaafadeedka oo isu jiray cambaareyn iyo baaq nabad uu u qornaa sidan:

 

Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamiga waxay aad uga xun tahay isla markaana walwel iyo walaac ku haya Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda ee ka socda magaalada muqdisho.

 

Dagaaladaas ayaa galaaftey nolosha dad faro dan, halka ay kuwa kale ay ka soo gaareen dhaawacyo sidoo kale dagaaladaas waxa ka dhashey Barakac baahsan iyo burbur hantiyeed, dhamaan xadgudubyadaas ayaa waxay ku dhacayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee lagu duldagaalamayo deegaanada ay dagan yihiin taasoo xadgudub ku ah; Shareecada Islaamka, Xeerarka Soo Jireenka Ah Ee Dhaqanka Soomaalida, Axdiga Fedraalka KMG ah Iyo Baaqa Caalamiga Ee Xuquuqda Aadamiga Qodobkiisa 3-aad Oo Leh: Qof Walba Wuxuu Xaq U Leeyahay Inuu Ku Noolaado Nabadgelyo Iyo Xorriyo.

 

Waxay xaruntu ka codsaneysaa Dhinacyada dagaalamaya iney si sharuud la’aan ah u joojiyaan xabada, wxaana in hoosta laga xariiqo mudan in Dowlada Fedraalka KMG ah uu waajib ka saaran yahay ka warqabka, u gargaarida, badbaadinta nafta iyo hantida shacabka soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamiga waxay ka codsaneysaa Bulshada caalamka qaasatan hay’adaha gargaarka caalamiga ah in shacabka soomaaliyeed ay la soo gaaraan gurmad caalami ah oo lagu badbaadinayo nolosha dadka rayidka ah ee ku barakaceya dagaalada ka jira magaalada muqdisho kuwaasoo dhibaatooyin farabadan ay ku haystaan duleedka iyo gudaha Magaalada Muqdisho, Gobolada Dalka iyo Dalalka la dariska ah Soomaaliya.

 

Ugu danbeyntii Xaruntu waxay ka codsaneysaa bulshada caalamka, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, ururada caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadamiga sida Amnesty International iyo Human rights watch iyo waliba  ururada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheynba in ay indhahooda iyo dareenkooda u soo jeediyaan si dhab ahna ay u darsaan xadgudubuyada baahsan ee loo gaysanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo waliba xaaladaha beni’aadnimo iyo mida nololeed ee ka sii dareysa ee ka jirta magaalada muqdisho kuwaasoo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto si looga hortago loogana badbaado masiibo weyn oo la soo darista shacabka soomaaliyeed ee 17-ka sano ku dhex nool dagaalada, iska horimaadyada iyo khilaafaadka aan dhamaadka lahayn ee ka jira dalka soomaaliya.

 

GUDOOMIYE KU XIGEENKA XARUNTA
Dr. Salaad Jumcaale Cossoble

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).