9.9 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Ciidamada Itoobiya oo baaritaano ka wada Buuraha ku teedsam Deegaanka Baar-Dheere ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

 
Jimco, November 09, 2007(HOL):  Ciidamada Dowlada Itoobiya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ay howl-galo baaritaan ah ka wadeen Buuraha ku teedsan Tuulada Baar-dheere oo ka mid ah Tuulooyinka hoos yimaada Magaalada Beledweyne kadib markii ay ciidamadu ka war heleen warar sheegaya in goobahaasi isku urur sanayaan Ciidamo ka tirsan Maxkamadii islaamiga gobalka Hiiraan.
 
Sida HOL ay u xaqiijiyeen dadka ku safra warada isku xirta gobalka Hiiraan iyo magaalada Muqdisho Ciidamada Itoobiya oo lugeynaya ayaa baaritaano ku sameynayay gadiidka iyo dadka saaran intaba, waxana warku intaa ku darayaa in ciidamadu ay weydiinayeen dadka safarka ah hadii ay soo arkeen kooxo hubyesan in watada ku soo jireen.
 
Dadka ku dhaqan Tuulada Baar-dheere ayaa sheegay in muddo saacado ah ay joogeen Tuulada Ciidamo ay u maleeyeen in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamiga lakiin markii danbe ay ku laabteen dhinaca watada gasha Degmada Buula-burte ee gobalka Hiiraan oo sida inta badan la sheego fariisin u ah qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii Maxkamadii islaamiga.
 
Maalintii shalay ayaa laga maqlay deegaanada ku dhaw dhaw tuulada Baar-dheere hub aad u culus oo ay ridayeen ciidamada Itoobiya, kuwaasoo dadka aqoonta u leh arimaha ciidamadu u fasireen in ujeetada laga lahaa hubkaa ay aheyd bal in wax jawaab ah ka timaado dhinaca ciidamada la sheegay in halkaa ay ku sugan yihiin, lakiin dhinaca Saraakiisha Itoobiya ayaa iyagu aritaa ku macneeyay dabrid ay sameynayeen Ciidamada.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo markii horeba siweyn u hadal hayay Qaraxyada iyo amaan daradi ka taagan qeybo ka mid ah magaalada ayaa hada u wal wal iyo cabsi badan ka muujinaya dhaq-dhaqaaqa ka soo dhax cuboonaaday ciidamada Itoobiya iyo Xubnihi ka tirsanaa Maxkamadii islaamiga.
 
Ilaa hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka oo ku saabsan howl-galada ka socda dhulka buuraleyda ah, waxaana arimahan ay ku soo beegmayeen xili uu ka maqanyahay magaalada Beledweyne Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo qeyb-qaadanaya kulan nadeedka ka socda deegaanaka Moqokori.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).