9.9 C
London
Wednesday, October 22, 2025

30 Ruux oo rayid ah oo ku geeriyooday dagaallo shalay iyo maanta ka socda Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 09, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa dagaal ka dhacay shalay iyo maanta waxaa ku dhintay Dad rayid ah oo tiradooda gaareyso 30 Ruux oo rayid ah, kuwaasi oo isugu jira kuwo ay toogteen Ciidamada Itoobiya iyo kuwo kale oo ay madaafiic ku dileen.

20 Ruux ayaa ku geeriyootay dagaal shalay ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo qeybo ka mid ah Wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Al-Baraka iyo Baar Ubax. Dadkaas ayaa 12 ruux oo ka mid ah waxaa lagu dilay Suuqa Xoolaha, halka 8 kale oo 4 ka mid ahna ay ahaayeen Haween lagu dilay agagaarka Dugsiga Al-Abaadir ee Wadada 30-ka.

Marka laga soo tago dadka geeridooda la xaqiijiyay waxaa kale oo jira Dad ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kuwaasi oo ay dhici karto in ay u geeriyoodaan dhaawacyadii soo gaaray sabab la xiriirta in la waayay fursad Isbitaal lagu geeyo.

Qoys ka koobnaa 10 Ruux ayaa ku geeriyooday Suuqa Bakaaraha, qeybta Cir-toogtaha kadib markii uu ku habsaday Madfac ay soo tuureen Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga.

Dagaal kale oo weli ka socda qeybo ka mid ah Wadada 30ka ayaa waxaa uu geystay dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda la ogeyn, kuwaasi oo soo gaaray dad guryahooda ka cararay oo doonayay in u qaxaan deegaano nabdoon.

Inkastoo uusan socon dagaal toos ah, hadana waxaa laga maqlayaa qeybo ka mid ah Wadada 30-ka rasaas goos goos ah oo ay is-weydaarsanayaan dhinacyada dagaalka iskala soo horjeeda

Xaalka ayaa aad u cakiran, waxaana magaalada Muqdisho shalay iyo maanta ka socda barakac kii ugu ballaarnaa oo ay sameynayaan Dadka ku dhaqan Deegaannada ay Dagaallada ka socdaan ee Suuqa Xoolaha iyo qeybo ka mid ah Degmooyinka Wardhiigley, Howl-Wadaag iyo Hodan.

Waddo kasta oo aad marto ayaa waxaa kaaga hor-imaanaya Dad qaxaya oo qaarkood ay u suurtageli weysay in ay xitaa soo qaataan Raashinkii guriga u yiilay, walow ay jiraan kuwo uu waqtiga u saamaxay in ay Baabuur ku qaxaan, isla markaana ay alaabtooda rartaan.

Ugu dambeyntiina, Barakaca ka socda magaalada Muqdisho ayaa wuxuu la mid yahay midkii dhacay intii ay socdeen dagaalladii dhacay Bilihii Maarso iyo April ee Sanadkan, kuwaasi oo ay ku barakaceen Dad boqolaal kun gaaraya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).