9.6 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Qaramada Midoobay oo sheegtay in aaney caqli-gal ahayn in ay xiligan Ciidamo u dirto Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 09, 2007(HOL): Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa shaaca ka qaaday in aaney waaqici ahayn in ay xiligan Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah u dirto Dalka ku yaala Geeska Afrika ee Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa sheegay in aaney caqli-gal ahayn in xiligan Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in iyadoo sida uu yiri ay Siyaasadda Soomaaliya qaldan tahay, isla markaana aysan Nabadgelyo ka jirin.

Ban Ki-moon oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aan xitaa xiligan Soomaaliya loo direynin khubarro ka socda UN-ka oo indha-indheyn ku soo sameeya Xaaladda Dalka Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd dhinaca Bani’aadannimada ama dhinaca Ammaanka.

Dalalka Midowga Afrika ee horay u ballanqaaday in ay Soomaaliya Ciidamo u dirayaan ayuu ugu baaqay in ay de-dejiyaan Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee ay u dirayaan Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Qaramada Midoobay ay Ciidamadaas ka taageeri doonto dhinacyada Dhaqaalaha iyo Farsamada.

Hadalka ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ayaa wuxuu rajo la’aan ka muujinayaa Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo haatan gacan ku heynteeda ay ku hardamayaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).