9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo berri kala dooran doona in Xubnaha Xukuumadda Federaalka laga soo xulo Baarlamaanka gudahiisa ama dibaddiisa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 06, 2007(HOL): Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta dood ka lahaa go’aanno ka soo baxay shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo uu ku jiro qodob xasaasi ah oo tilmaamay in la soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ay xubnaheeda ka imaanayaan Baarlamaanka gudahiisa ama dibaddiisa.

Xildhibaannadii shalay iyo maanta fikirkooda dhiibtay ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u kala fikrad duwan, iyadoo Xildhibaannada qaarkood ay qabaan in aysan sax ahayn in sharci ahaan looga doodo qodobo ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, halka kuwo kalena ay la dhacsan yihiin go’aannadii shirkaas ka soo baxay, iyagoo si cad u sheegay in ay hagaagsan tahay in la soo dhiso Xukuumad ay ka qeyb qaadanayaan Dad aan Baarlamaanka ku jirin.

Xildhibaannadii taageersanaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ay ka dhex muuqdaan Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, C/llaahi Shiikh Ismaaciil, Cusmaan Caato, Mowliid Macaani iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxay magaalada Baydhabo ka sameeyeen wax loogu yeeray Kudlad ka kooban boqol iyo dhowr Xildhibaan, kuwaasi oo u taagan dhowrista Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ka cabsi qabaan in haddii ay u codeeyaan in Xubnaha Xukuumada laga keeno Baarlamaanka gudahiisa iyo Dibaddiisa ay taasi keeni doonto in ay waayaan xilal ay ka rajeynayaan Xukuumadda uu soo dhisi doono Ra’iisal Wasaaraha uu soo maalmaha soo socda soo magacaabi doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gunaanadayay Shirkii maanta uu yeeshay baarlamaanka ayaa wuxuu ku dhawaaqay in Mudanayaasha ay maalinta berri ah cod u qaadi doonaan in Xubnaha Xukuumadda laga keeno Baarlamaanka gudahiisa iyo dibaddiisa ama in lagu koobo Baarlamaanka oo kaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).