10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in uu sii ballaarinayo Howlgallada lagu sugayo Ammaanka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 06, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu sii wadayo howlgallada lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo haatanba ka socda Deegaanada Galbeedka iyo Waqooyiga ka xiga Wadada Warshadaha.

Guddoomiye ku xigeenka Golka Banaadir ee dhinaca Ammaanka C/fataax Cumar Sabriye Shaaweey ayaa sheegay in ay howlgalladaas yihiin sida uu hadalka u dhigay kuwo lagu soo qab-qabanayo kooxaha nabadgelyo darrada ka wada magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan deegaannada ay howlgallada ka socdaan ayuu C/fataax Shaawey ugu baaqay in aysan barakicin oo ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka ee Howlgallada sameynaya, isagoo carrabka ku dhuftay in aaney jiri doonin wax dhibaato oo loo geysan doono.

Hadalka Guddoomiye ku xigeenka ee ku saabsan in la sii wadayo Howlgallada ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu BBC-da u sheegay in amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho ay ku soo koobantay sida uu yiri Deegaanada Galbeedka ka xiga Wadada Warshadaha, isla markaana halkaasi howlgallo laga sameyn doono.

Haddaba howlgallo ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka waxaa laga sameeyay Deegaanno ka tirsan Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid, iyadoo howlgalladaasna ay sababeen barakac ku yimid dadkii deegaannadaas ku dhaqnaa, kuwaasi oo ka cabsaday in ay dhibaato u geystaan Ciidamada howlgallada sameynaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).