Talaado, November 06, 2007(HOL): Inta la Og-yahay ilaa 4 Ruux ayaa ku dhaawacantay weerar Maanta kooxo hubeysan ay ku qaadeen Suuqa Xoolaha Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne xili Suuqaasi uu ka socday ganacsi balaaran oo u badnaa kala iibsiga Xoolaha.
Kooxaha weerarka soo qaaday oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa markii ay soo gaareen gudaha suuqa waxaa sida HOL ay u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah Rasaas la beegsadeen qaar ka mid ah Ciidamadii halkaa joogay oo mid ka mid ah dhaawac culus ka soo gaaray Rasaasta halka sadaxda ruux ee kalana yihiin dadkii halkaa ganacsiga u joogay.
Taliyaha Qeybta ee Booliiska G/sare Cabdi Aadan Cadow ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Suuqa Xoolaha ee Magaalada Beledweyne uu muujinayo in kooxihii markii horeba qaraxyada geysan jiray hada isku badaleen kuwo qaadaya weeraro hubeysan, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale arintani tahay mid marka danbe keeni karta in kooxaha falalkani ka danbeeya si toos ah u qaadaan weeraro ka dhan ah Ciidamada Dowlada Federaalka.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo maalmihii aynu soo dhaafnay siweyn u hadal hayay qaraxyada is daba jooga ah ee ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada ayaa sidoo kale siweyn ula yaabay markii ay maqleen weerarka Maanta lagu qaaday Suuqa Xoolaha ee Magaalada Beledweyne, inkastoo dadka qaar marka aad la sheekeysato hadana falkii Maanta ay ku tilmaamayaan mid laga yaabo in uu salka ku hayo aano qabiil.
Suuqa Xoolaha ee Xaafada Howl-wadaag ayaa weerarka Maanta ka dhacay waxaa uu noqonayaa kii sadaxaad oo Mudo labo Todobaad guduhood ka dhac, waxaana marka laysku geeyo dadka ku dhintay mutadaa kooban gaarayaan 4 Ruux halka in ka badan 13 kalana ay ku dhaawacmeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia