10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qarxiyay Deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 06, 2007(HOL): Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saakay waaberigii lagu qarxiyay deeganka Lafoole oo u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa lala beegsaday Ciidamdan oo ahaa mid loo adeegsaday Miinada nooca la hago ayaa wuxuu ahaa mid xooggan oo laga maqlay meelo ka fog halka uu qaraxa ka dhacay, walow aan la ogeyn khasaaraha Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray qaraxaas.

Dad ku sugan Deegaanka Lafoole ayaa sheegay in  Ciidamada Itoobiyaanka markii qaraxa lala beegsaday kadib ay xireen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo taasina ay dadku ku fasireen in ay Ciidamada xiritaanka wadada ku qarinayaan dhibaato soo gaartay.

Waa Qaraxii seddexaad oo lala beegsado Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho, habeen hore ayayna ahayd markii Degmada Wanla-weyn lagu qarxiyay Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah, halka qarax kalena uu maalmo ka hor ku qabsaday inta u dhaxeysa Degmada Wanla-weyn iyo Deegaanka Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Haddaba iyadoo qaraxyadaas loo geysanayo Ciidamada Itoobiya ayaa hadana waxaa Magaalada Muqdisho ku soo qulqulaya Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo dhinaca Baydhabo ka imaanaya, iyadoo dadkuna is-weydiinayaan sababta Ciidamadan tirada badan ay ugu soo qulqulayaan Magaalada Muqdisho oo ay ku sii sugnaayeen Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo aad u badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).