9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Doomo Muddo shan Bilood ka badan lagu heystay Xeebaha Soomaaliya oo la sii daayay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 05, 2007(HOL): Kooxo burcad badeed ah oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa shalay waxay sii daayeen labo doomood oo laga leeyahay Dalka Koofur Kuuriya, kuwaasi oo ay heysteen muddo shan bilood ka badan.

Andrew Mwangura oo ah Xiriiriyaha hay’ad ku shaqo leh Badaha Bariga Afrika ayaa sheegay in labadaas doomood oo lagu kala magacaabo Mavuno1 iyo Mavuno2 la sii daayay shalay galab.

Sidoo kalena Afhayeen u hadlay Ciidamo Ameerikaan ah oo saaran Markab Xeebaha Soomaaliya ku sugan ayaa isna xaqiijiyay sii deynta labadaas Doomood iyo weliba 24 shaqaale ah oo saarnaa.

Andrew Mwangura waxaa uu intaas ku daray in Doomo ay saaran yihiin Ciidamo Mareykan ah ay labadaas  Doomood u kaxeyn doonaan dhinaca Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya, wuxuuna sheegay in ay u maleynayaan in labadaas Doomood lagu sii daayay madax-furasho, inkastoo uu sheegay in aanu warka arrintaas ahayn mid soo baxay.

Mr. Han Suk-ho oo ka mid ah Shaqaalaha saaran labadaas Doomood ayaa wuxuu horay u sheegay in ay isugu jiraan 4 Nin oo u dhashay Koofur Kuuriya iyo 20 kale oo dhalashooda ay ka soo jeedo Qaaradda Asia, wuxuuna intaas ku daray in ay saaxibaddiis qaarkood ay la soo derseen xanuunno ay ka mid tahay Malaria oo aaney dawo u heysan, sidoo kalena wuxuu caddeeyay in marar qaarkood la jir-dilo.

Sidii loo jir-dilayay ayuu sheegay Mr. Han Suk-ho in saaxibadiis qaarkood ay waayeen ilkahooda iyo dhegahooda, wuxuuna intaas sii raaciyay in aysan heysan raashin fiican oo ay cunaan, “si aan nafta ugu ceshanno waxaan cunnaa Bariis ay na siiyaan kooxaha na heysta, kaasi oo ay qudhiisa ku milan yihiin Carro iyo Dhagxaan, isla markaana aan bani’aadam iska daaye aan xitaa xayawaanka loo quurin”ayuu yiir Mr. Han Suk-ho oo sheegay in kooxaha heysta ay aad u garaacaan marka ay cunaan sida uu yiri Caleenta la yiraahdo Khat-ka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay weli heystaan Doomo kale oo ay ku jirto mid laga leeyahay Dalka Japan, waxaase loo maleynayaa in ay iyana soo furan doonaan Ciidamada Ameerikaanka ee ilaalada ka haya Xeebaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).