9.7 C
London
Thursday, October 23, 2025

Qaraxii 16aad oo ka dhaca Magaalada Beledweyne oo xalay lagu qaaday Saldhigga Booliska Degmadaas

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 05, 2007(HOL): Qaraxii 16aad ayaa habeenimadii xalay waxaa uu ka dhacay saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne xili qaar ka mid ah ciidamada Boolisku isku diyaarinayeen howl-galadoodii caadiga ahaa oo inta badan ay ku sugaan nabad-galyada guud ee magaalada, waxaana sida uu sheegay Taliyaha saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne ku dhaawacmay qaraxaasi labo ka tirsan ciidamada Booliiska.

 

Col. Xuseen Shugri Axmed waxaa uu intaas ku daray in kuwa soo qaaday wararka sidoo kale ay ku rideen ciidamada sida uu hadalka u dhigay Bistoolad taasoo keentay in Ciidamada Dowlada Federaalku ridaan Rasaas aad u culus oo qal-qal weyn ku abuurtay inta badan dadka Rayidka ah, waxaa markiiba la damiyay Leeyrkii Magaalada iyada oo sidoo kalana dhamaan is-goosyada la dhigay ciidamada Booliska iyo kuwa Malatriga Dowlada Federaalka oo siweyn uga qeyb-qaatay sugida nabad-galyada kadib wararka lagu qaaday saldhiga Booliska.

 

Qaraxa habeenimadii xalay ka dhacay Saldhiga Booliska ayaa qeyb ka ah qaraxyo is daba jooga oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Beledweyne, waxaana qaraxni uu ku soo beegmay xili dhawaan warar lagu qaaday Xafiis waaxda canshuuraha Dowlada hoose ay ku laheeyeen suuqa xoolaha ee xaafada howl-wadaag kasoo uu ku geeriyooday mid ka mid ah shaqaalaha waaxada canshuuraha.

 

ilaa hadda dhab ahaan looma oga cida ka danbeeysa qaraxyada ka dhacaya Gudaha Magaalada inkastoo ay jiraan argtiyo muujinaya in qaraxyada dhacaya ay ka danbeeyaan khilaaf soo kala dhax-galay xubno ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka gobalka sida qaar ka mid ah qalabka warbaahinta uu ka sheegay Ku-xigeenka Gudoomiyaha Degmada Beledweyne C/raxmaan Buruki.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan gobalka Hiiraan ayaa wal wal badan ka muujinaya falalka amaan darro ee ka soo cusboonaaday Gudaha Magaalada Beledweyne waxaana marka dadka qaar aad la sheekeysto ay ku sheega in xiligan lagu tilmaami karo gobalka Hiiraan kan ugu qaraxyada marka laga soo tago magaalada Muqdisho.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).