9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Afhayeenka Ciidamada Booliska oo ka warbixiyay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen Saldhigga Degmada Hodan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 04, 2007(HOL): Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu magacaabo C/llaahi Ibraahim Shacshac ayaa ka warbixiyay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen Saldhigga Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

 

Afhayeenka waxaa uu sheegay in ay Kooxo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerareen Saldhigga Degmada Hodan, hayeeshee sida uu yiri ay iska caabin kala kulmeen Ciidamadii Saldhigga ku sugnaa.

 

C/llaahi Ibaahim Shacshac waxaa uu intaas ku daray in aysan jirin wax khasaare ah oo dagaalkaas ka soo gaaray  Saldhigga iyo weliba Ciidamada ku sugan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay kooxihii weerarka ku soo qaaday dib uga laabteen kadib markii ay ku guuleysan waayeen in ay Saldhiggaas la wareegaan.

 

Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ayaa waxay dhowr jeer oo hore qabsadeen Saldhiggaas, inkastoo aysan u suurtagelin in ay ku negaadaan.

 

Dhanka kalena, Xaaladda Xaafadaha Degmada Hodan ee ay dagaalladu ka dhaceen ayaa saaka degan, inkastoo ay jiraan Dad guryahooda ka barakacaya, kuwaasi oo ka cabsi qaba in ay mar kale dushooda ku dagaalamaan dhinacyada isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho.

 

Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley, Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa waxay noqdeen kuwo ay ka barakaceen Dadkii deganaa, kadib markii ay halkaas dhowr jeer ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).