Sabti, November 03, 2007(HOL): Dagaal culus oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka bilowday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo dagaalkana uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka oo ay labada dhinac isugu adeegsanayaan hub culus oo dhawaqiisa laga maqlayo Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka qarxay Saldhigga Degmada Hodan, iyadoo uu ku faafay deegaano kale sida Xaafadaha Kaasabolbollaare, Bangaariyada iyo kuwo kale oo u dhow Saldhiggaas.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid xaqiijin karta khasaaraha uu geystay dagaalka oo haatan si xooggan u socda, iyadoo gabalkuna uu sii dhacayo, hayeeshee waxay sheegayaan dad ku sugan Xaafadaha uu dagaalka ka socdo in ay dhaceyso rasaas xooggan oo isugu jirta mid ka dhaceysa qoryaha yar yar iyo kuwa waa weyn.
Sidoo kalena, Rasaas beydad ah oo ka tagtay halka uu dagaalka ka socdo ayaa waxay dad rayid ah ku waxyeeleysay xaafado ka fog halka uu dagaalka ka socdo, kuwaasi oo la arkayay iyagoo Isbitaal loola sii cararayo.
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa aad u cakiran, waxaana iyadoo xili habeen ah la sii gelayo bilowday barakac ay sameynayaan Dadka Rayidka ah ee degan xaafadaha uu dagaalka ka bilowday, kuwaasi oo maalmo ka hor dib ugu soo noqday guryahooda kadib markii ay ku barakaceen dagaallo halkaas horay uga dhacay.
Warar kale oo aan si rasmi ah loo xaqiijinna waxay sheegayaan in xaafado ku xeeran Waddooyinka 30-ka iyo Warshadaha ay iyana dagaallo kuwan la mid ah ka socdaan, iyadoo dagaalladaasna ay u dhaxeeyaan Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay, xalay iyo maanta ay magaalada Muqdisho soo gelayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca Magaalada Baydhabo, iyadoo sidoo kalena uu dagaalkan ku soo hagaagayo iyadoo maalintii shalay ahayd uu Muqdisho ka dhacay dagaal waxyeello lagu gaarsiiyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, inkastoo iyaguna ay dhibaato geysteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online