9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan Go’aanno ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 03, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay ahayd qado u sameeyay Mudanyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka codsaday in ay ansixiyaan go’aanno ka soo baxay shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyay.

 

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada si toos ah uga codsaday in ay ansixiyaan Qodob ka mid ah qodobo ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta, kaasi oo dhigaya in Xubnaha ka mid noqonaya Xukuumadda laga keeni karo Baarlamanaka gudahiisa iyo Dibaddiisa.

 

Haddii ay Xildhibaannada ansixin waayaan qodobkaas ayuu sheegay Madaxweyne Yuusuf in ay beesha Caalamka ka jeesan doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo farta ku fiiqay in aan loo baahneyn in awoodda dalka oo dhan ay hal meel isugu uruurto.

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Xubno ka soo horjeeda in la ansixiyo qodobka dhigaya in Xubnaha Xukuumadda laga keeni karo Baarlamaanka Dibaddiisa, iyadoo sababtuna ay tahay iyagoo ka baqaya in ay waayaan jagooyin ay Xukuumadda la soo dhisayo ka heli lahaayeen.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa in uu soo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub waxaa ay uga xiran tahay ansixinta qodobkaas, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan  in Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo uu doonayo in uu ka keeno Baarlamaanka Dibaddiisa.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baarlamaanka Soomaaliya oo loo qeybiyay Buug ay ku qoran yihiin Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa maalmaha soo socda waxaa laga dhowrayaa go’aanka ay ka qaataan codsiga madaxweynaha.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).