9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah oo ku sii qulqulaya Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 03, 2007(HOL): Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa waxay ku sii qulqulayaan Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ay horay ugu sii sugnaayeen Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah.

 

Ciidamo wata 50 Gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa Ciidamada iyo Saadkooda qaada ayaa xalay waxay ka baxeen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyagoo u jiheystay Dhinaca Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan oo ah kuwo cusub ayaa la sheegay in ay Muqdisho ugu socdaan in ay xoojiyaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan, kuwaasi oo maalmahan dagaallo ay ku heystaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Hayeeshee Ciidamadaas ayaa intii ay ku socdeen Wadada isku xirta Xamar iyo Baydhabo waxaa jidka loo geliyay Miino kula qaraxday inta u dhaxeysa Degmada Wanla-weyn iyo Deegaanka Balli-Doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Ma jirto cid xaqiijisay khasaare Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray Qaraxaas oo la sheegay in uu ahaa mid xooggan, waxayse Dadka deegaankaas ku dhaqan sheegayaan in Qaraxaas uu muddo saacado ah joojiyay safarkii ay Ciidamada ugu socdeen Magaalada Muqdisho.

 

Maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa magaalada Muqdisho waxaa soo gaaraay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo isla markii ay soo galeenba dagaal ka bilaabeen qeybo ka mid ah Wadada 30ka ee Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa waxay ku soo qulqulayaan Magalaada Muqdisho xili uu is-bedel dhinaca hoggaanka ah ku yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu Ciidamada Itoobiyaanka soo gelisay Soomaaliya, waxayna dadka qaarkiis shaki ka muujinayaan sababta xiligan ay Dowladda Itoobiya Ciidamada dheeraadka ah ugu soo direyso Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).