10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Ciidamada Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Hiiraan oo Qarax Bambaano lagu weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 02, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa goor dhaweyd waxaa lagu qaaday weerar Bambaano xili ay Ciidamadu canshuur ka uruurinayeen Suuqa Xoolaha Magaalada Beledweyne.

 

Qaraxaas bambaano ayaa waxaa uu sababay dhimashada Askari Lacag haye u ahaa Ciidamadii Canshuuraha qaadayay, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Faarax Biir, halka ay sidoo kale dhaawacmeen Sarkaalkii Ciidamadaas hoggaaminayay iyo weliba 3 ruux rayid ah.

 

Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka ayaa qaraxaas kadib waxay tageen goobta uu qaraxu ka  dhacay, inkastoo aysan jirin cid ay qaraxa u qabteen. Dhwaan ayay ahayd markii isla Suuqa uu qaraxa ka dhacay oo ku yaala Xaafadda Howl-Wadaag ee Magaalada Beledweyne lagu qarxiyay Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaasina ay dhibaato ka soo gaartay Ciidamadii qaraxa lala beegsaday.

 

Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay falal nabadgelyo darro ah, waxaana Xalay ka dhacay Qarax lala beegsaday Guriga Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Daba-geed, halka habeen horena qarax kale lagu weeraray Guriga Guddoomiyaha Degmada Cilmi Saney Qaasim.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamulka Gobolka Hiiraan mar kasta waxaa uu sheegaa in uu wax ka qabanayo falalka nabadgelyo darrada ah ee ka jira Gobolka, gaar ahaan Magalada Beledweyne, hadana waxaa muuqata in maamulka uusan weli maaro u helin nabadgelyo la’aantaas jirta oo ay ka dambeeyaan sida la rumeysan kooxo ka soo horjeeda maamulka halkaas ka taliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).