10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Dagaal ka dhacay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 02, 2007(HOL): Dagaal la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka bilowday Xaafado ku teedsan Waddooyinka 30-ka iyo Warshadaha, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo Hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku lahaa Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ay soo galeen Xaafadaha Shiirkole, Baar Ubax iyo Black, iyagoo halkaasina baaritaanno ka bilaabay.

 

Ciidamada Itoobiyaanka oo iska caabin kala kulmay Kooxaha ka soo horjeeday ayaa la sheegayaa in ay ridayaan raasaas aan loo meel dayin, taasi oo waxyeello u geysatay dad rayid ah oo guryahooda iska jooga.

 

Sidoo kalena Ciidamo Itoobiyaan ah oo doonayay in ay howlgallo ka sameeyaan Xaafadda Gubta ee Waqooyiga kaga toosan Wadada Warshadaha ayaa waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan, waxaana hadda xaafaddaas ka socota rasaas ay labada dhinac is-weydaarsanayaan.

 

Waddooyinka Warshadaha iyo 30ka ayaa waxay noqdeen kuwo haawanaya oo aysan ka jirin wax isu socod ah, waxaana xaafadaha ay dagaallada ka socdaan laga maqlayaan rasaas xooggan oo ay labada dhinac is-weydaarsanayaan. Dadka ku dhaqan Xaafadaha uu dagaalka ka socdo ayaa waxay bilaabeen barakac, waxaana gebi ahaanba istaagay gaadiidka BL-ka ee ay Dadku adeegsadan jireen.

 

Dagaalka ka socda magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku baaqeen in ay dadkii Muqdisho ka qaxay ay dib ugu soo noqdaan, iyagoo caddeeyay in aaney jiri doonin wax dagaallo ah.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya aagagga Dagaalkana waxay sheegayaan in Askar Itoobiyaan ah oo tiradoodu gaareyso 5 Askari lagu dilay Dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo seddex ka mid ah meydkooda la geeyay Isgoyska Baar Ubax. Seddexdaas Askari ayay Dad goob-joogayaal sheegeen in lagu soo dilay Deegaanka Gubta oo saaka ay dagaallo ku dhexmareen Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).