10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday Fariisin ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco,
November 02, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Xerada Maslax ee ku taala Duleedka Suuqa Xoolaha.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee xeradaas ku sugan iyo Kooxaha hubeysan ayaa waxaa dhexmaray dagaal socday muddo saacad ah, iyadoo ay isu adeegsaday hub aad u culus oo dhawaqiisa laga maqlayay meelo ka fog halka ay dirirta ka socotay.

 

Goob-jooge ku sugan Xaafadda Suuqa Xoolaha oo lagu magacaabo C/risaaq Axmed Xasan ayaa HOL u sheegay in dagaalka uu sidoo kale ka dhacay halka lagu magacaabo Ceel Mareer iyo Baar Kulmiye oo u dhow halka ay ku taalo Xerada Maslax.

 

Goob-joogahani ma uusan sheegin wax khasaare ah oo dagaalkaas ka soo gaaray labada dhinac, wuxuuna taasi ku sababeeyay in xiliga dagaalka uu dhacay uu habeen ahaa, sidaas darteedna ay dadka ku guryahooda ku jireen.

 

Dagaalka lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xeradii Maslax ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xaafadaha Suuqa Xoolaha ay shalay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa ku soo badanaya weerarrada lagu qaado Fariisimada Ciidamada Itoobiya, iyadoo maalmo sii horeeyay weerarro lagu qaadi jiray Fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).