10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Fatahaadda Webiga Shabeelle oo ku fool leh Wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Wanla-weyn

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 02, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya  deegaanada kulaala degmooyinka Af gooey iyo Balcad ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Wabiga shabeele ku soo fatahay deegana kala ah Xawaadlay, Istambuul, Garweyne, Kulanda iyo Maalimay iyo deegaano kaloo badan deegaanadaas oo fatahaada Wabiga u geystay Khasaaro maal iyo moodba leh.

 

Dadka Deegaanadaas ku dhaqan ayaa waxaa soo food-saartay xaalad nolol xumo ah kadib markii ay waayeen wax cunaan, biyo nadiif ah oo ay cabaan, tiiyoo ay u sii dheer yihiin cudurro ay ka qaadeen fatahaadda Webiga oo ay ka mid yihiin Malaria’yada iyo Shubanka. Dadkaas ayaa dhamaantood waxay yihiin kuwo beeraley ah oo manaafacaadsan jiray waxyaabaha ay Beerahooda ka soo goostaan.

 

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ka codsaday Hay’adaha Samafalka inay dadkaas gurmad deg deg ah la gaaraan.

 

“Ka mas’uul ahaan waxaa ii muuqda dhibaato xoog leh oo ka dhalan karta fatahaada Wabiga Shabeele oo biyo ku keenay deegaano ka kala tirsan degmooyinka Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, fatahaadaas ayaa sababi karta hadaan laga hortagin in ay go’do Wadada Laamiga ee u dhexaysa wanla weyn iyo Afgooye gaar ahaan meesha loo yaqaan tobanka Buundo”ayuu ku Avv. Xasan Dhimbil Warsame.

 

Dhinaca kale waxaa  gaaray magaalada Jowhar  Saraakiil sar sare oo ka kala tirsan hay’adaha UNDP iyo OCHA, kuwaasi oo   laguna kala magacaabo Prof. C/llahi Sheekh   Cali Ibraahim iyo  Mr. William. Saraakiishan oo adeegsanaya Doomo ayaa la sheegay in ay socod indha-indheyn ah ku sameyn doonaan Deegaanadaha uu ku fatahay Webiga, gaar ahaan kuwa hoos-taga Gobolka Shabeelaha, iyado dhinaca Gobolka Shabeelaha Hoose-na laga sugayo Wafdi ka socda Hay’adaha FAO iyo EEC, kuwaasi oo marka ay Shabeelaha Hoose soo gaaraan iyana qiimeyn ku sameyn doona dhibaatada ka dhalatay Fatahaadda Webiga Shabeelle.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).