10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan Gobolka Minnesota oo ka shir ka yeeshay Xaaladda Gobolka Sool

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco,
November 02, 2007(HOL): Shir lagu canbaareenayay La wareegitaankii ay Ciidamada Somaliland la wareegeen Gobolka Sool ayaa waxaa lagu qabtay Xaafada Cedar Riverside Xaafadaas oo ah meelaha ugu badan oo ay degan tahay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

 

Shirkaas oo dhacay habeen hore, si heer sare ahna loo soo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen dhamaan Jaaliyadda reer puntland ee ku sugan gobolka Minnesota sida Siyaasiinta, Haweenka, Odayaasha, Culumaaudiinka,Aqoonyahanada iyo Dhalinyarada ayaa waxaa uu ku saabsanaa inay Jaaliyadda mowqifkeeda u caddeyso aduunweynaha iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel meelkasta oo ay joogaanba.

 

Waxaa shirkaa hadallo qiimo leh ka jeediyay madaxweynihii iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee puntland Mudane Mohamed Abdi Hashi, kaasi oo muujiyay sida ay muqaddas u tahay Midnimada Soomaaliyeed iyo inaysan maanta haboonayn in dhiig dad walaalo ah la daadsho iyo in maamulka Somaliland uu joojiyo  gardarada aan geedna loogu soo gaban ee uu ka wado Gobolka Sool.

 

Shirkaas ayaa laga sheegay in Ciidamada Maamulka Somaliland ay xasuuqeen Maato Shacab ah, iyagoo caburiyay rabitaanka Dadka Gobolka Sool, “Waxaa dhamaan istaagay wax allaale iyo wixii dhaqdhaqaaq ahaa sida iskuuladii, jaamacadihii,ganacsigii waxaana sidoo kale labarakiciyey dhamaan shacabkii ku nolaa gobolkaa siiba magaalada Laascaanood iyagoo hadda ku sugan geedo hoostood mana ay helin wax gargaar ah oo uga yimid xagga Aduun weynaha waana mida ay la yaaban yihiin dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel gaar ahaan shacabka reer puntland inuu adduunku ka aamuso gardaradaa ay wadaan maamulka Riyaale”ayaa lagu yiri hadal saxaafadeed laga soo saaray shirkaas.

 

Sidoo kalena waxaa hadal saxaafadeedkaas lagu xusay in Xabsi ku yaala Magaalada Burco lagu xiray Dad aad u faro badan oo isugu jira Haween iyo Odayaal.

 

Ugu dambeyntiina, Jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ayaa waxay ugu baaqday Dadka ku dhaqan Gobolka Minnesota in ay ka soo qeybgalaan shir kaalmo loogu uruurinayo Dadka ka barakacay magaalada Laascaanood ee Geedaha ku hoos-nool, kaasi oo la qaban doono 10-ka Bishan November 2007. Ciddii daneyneysa in ay shirkaas ka qeybgasho waxay la xiriiri kartaa Maxamed Cabdi Qaac Tel: 6129401518.

Maxamed Xuseen, SAMA TV

info@somaliamericanmedia.org

Minneapols, Minnesota

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).