10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo Qalabka Warbaahinta Su’aalo ku weydiiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 01, 2007(HOL):  Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, garabka uu Hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa maanta wuxuu soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda uu dalka ku sugan yahay.

 

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa su’aalo lagu weydiiyay madaxda Dowladda Federaalka laga soo bilaabo Madaxweynaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana su’aalaha ku socday Madaxda Dowladda Federaalka ka mid ahaa:

 

Sababta hubka looga dhigay Dadka ku dhaqan Gobollada Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay Degaan Beelaha Hawiye, iyadoo ay Dadka kale ee Soomaaliyeed ay weli hubkooda heystaan?.

 

Sida ay sax ku noqon in ay Dal xor ah la soo geliyo Ciidamo Shisheeye oo  aanan ogolaasho ka heysan Qaramada Midoobay, isla markaana dhibaato ka geysta?.

 

Sababta Ciidamada Shisheeye loogu koobay Deegaanada Beelaha Hawiye, isla markaana loo geyn waayay Gobollada kale ee Dalka?.

 

Su’aal kalena waxay ahayd sababta ay Gobollo ka tirsan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland loogu ogolaaday in ay soo saartaan Kheyraadkooda, iyadoo kuwa ku dhaqan Gobolada kale aan loo ogoleyn?.

 

Dowladda ma waxay xukuntaa kaliya Gobollada Banaadir, Shabeelooyinka, Bay iyo Hiiraan mise Dalka oo dhan ayay xukuntaa?.

 Halkan ka dhegeyso
 Warsaxaafadeedka oo Cod ah
-Horn Afrik

 

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa kale oo lagu soo hadal qaaday dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ee loo geysanayo Dadka Rayidka ah, “Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye wuxuu ku baaqayaa in laga hortago Dadka geysanaya Dilalka ka dhanka ah Aqoonyahanka, Culumaa’udiinka, Saraakiisha  iyo Hooyooyinka”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

 

C/qaadir Maxamed Jaamac oo ka  tirsan Waaxda Warfaafinta Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu saxaafadda u sheegay in ay soo dhaweynayaan oo ay gacan siinayaan dagaalka lagula jiro Cadawga Umadda Soomaaliyeed jinsiyad kasta ha lahaadee, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu u soo jeediyay Dadka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan caadifad qabiil, isla markaana aysan ku dhaqaaqin waxyaabo keeni kara Baaba’a Ummadda Soomaaliyeed oo muddo dheer dhibaato ku soo jiray.

 

Ugu dambeyntiina, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu Warsaxaafadeedkiisa ku soo gebagebeeyay in ay Soomaalida Arrimaheeda gaarka ah xalisato, is-cafiso, isal markaana iska ilowdo wixii ka dhex dhacay 17-kii sano ee la soo dhaafay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).