10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Ciidan Boolis ah oo xoog ku galay Xarunta Dalladda Xuquuqal-Insaanka Somaliland ee SHURO NET

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis,
November 01, 2007(HOL): Ciidan oo ay horkacayeen Taliye-ku-xigeenka Booliska Somaliland Maxamed Shiil Dhidar iyo Hoggaanka hawlgelinta Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa maanta xoog kula galay Xarunta Dalladda Xuquuqal-Insaanka S/land ee SHURO NET.

 

Gelintaankan oo ka dambeeyay ka dib markii uu toddobaadadanba soo jiitamayay muran u dhaxeeyay Hoggaan cusub oo lagu caleemo-saaray shir la sheegay inay soo abaabushay Xukuumaddu oo doonayay in Maamulka Dallada lagu wareejiyo iyo Guddiga hoggaanka SHURO NET ee waqtigan, oo iyagu dedafeeyay sharcinimada Hoggaankan cusub oo ay sheegeen inuu sharci-darro yahay.

 

Ciidankan Booliska ah ayaa maanta gelinkii hore waxay yimaadeen Xarunta Dalladda Xuquuqda Aadamaha Somaliland ee SHURO NET, ka dib Taliye-ku-xigeenka Booliska Somaliland Maxamed Shiil Dhidar, ayaa ku amray Agaasimaha Fulinta SHURO NET Mubaarig Ibraahim Aar inuu isaga (Taliye-xigeenka) ku wareejiyo Furaha Xarunta, kaas oo uu ku wareejiyay. Intaa ka dib Taliye-xigeenku Mr. Dhidar wuxuu Guddiga SHURO NET iyo Hoggaanka cusub ee lagu caleemo-saaray shirka aan caadiga ahayn oo iyaguna meesha ku sugnaa, uu amar ku siiyay labada dhinacba inay dibedda uga baxaan xayndaabka Xarunta, isla markaana ay khilaafaadka jira ku soo dhamaystaan dibedda. Taas oo uu markaa isagu furaha haystay.

 

 “Furaha iyagaa (Booliska) qaatay, oo waxay yidhaahdeen marka lagu heshiiyo ayuun baanu bixinaynaa.” Sidaa waxa tidhi Guddoomiyaha Ururka Nagaad Aamina X. Maxamuud oo xubin ka ah Dalladda SHURO NET.

 

Intaa ka dib, Saxaafaddii madasha ku sugnayd ayaa damacday inay sawiro ka qaadaan waxa meesha ka socday, hase yeeshee taasi waxay kalliftay inay Ciidanka Booliska ka qaadaan Laba suxufi Kamaradihii ay siteen. Inkasta oo ay soo celiyeen markii dambe, haddana mid ka mid ah Kamaradahaas ayaa wax noqotay oo ciladi ku timid. Ka dib markii ay dhulka ku dhacday. Inkasta oo aan isku dayay inaan la xidhiidho Guddiga SHURO NET iyo Hoggaankan cusub, balse iima suurtogelin. Ilaa haddana ma jiro wax tibaax ah oo ka soo baxay labada dhinac.

 

 Murankan soo jiidatamay ayaa waxa uu keenay in Wasaaradda Caddaaladdu waraaq ay ku socodsiinayno Guddiga SHURO NET ay ku amartay inay Xilka ku wareejiyaan Hoggaanka cusub, balse Guddiga SHURO NET, ayaa diidmo qaxayan kala hor yimi, isla markaana ku tilmaamay amarkaas mid meel-ka-dhac ku ah Shuruucda Ijtimaaciga ah.

 

Gelitaanka Ciidankan ee Xarunta SHURO NET, ayaa waxa uu ku soo beegmay waqti ay Ururka Qurba-joogga Somaliland ee SOMALILAND FORUM uu maanta soo saaray Warsaxaafadeed uu ugu baaqayo Xukuumadda inay faraha kala baxdo arrimaha Dalladda SHURO NET. “Somaliland Forum wuxu  aad iyo aad u cambaareynayaa farogelintan Xukuumada Somaliland, waxaanu dawlada ugu baaqayaa inay faraha kala baxdo arrimaha  ururuda bulshada ee madaxa bannaan  iyo gaar ahaan kuwa u hadla xuquuqda dadweynaha, sida Ururka Shuro Net. Dawladu inay maamusho ururka u dooda Xuquuqda Muwaadinka waxay la mid tahay Waraabe adhi la raaciyay.

 

 Falkani wuxuu muujinaya inay dawladu u tafo xaydatay inay burburiso ururada bulshada u adeega, waxa aanu hoosta ka xariiqayaa dulqaad la’aan iyo talo xumo.” Weedhahaasi waxay ka mid ahaayeen Warsaxaafadeedkaasi SOMALILAND FORUM oo ay ku saxeexnaayeen 5 Xubnood oo ka mid ah xubnaha ugu sareeya Ururka. Waxaana arrintan hore uga hadlay Axsaabta Mucaaradka ah.

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

kaariye104@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).