8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

SHIIKH SHARIIF: “Cali Maxamed Geeddi markii ay Guumeysiga ku gaareen Dantooda waxay ku qasbeen in uu is-casilo, Nin kasta oo lagu bedelana iyaga ayuu u shaqeyn doonaa”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 01, 2007(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa shaaca ka qaaday in aaney wax is-bedel ah keeni doonin is-casilaaddii Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, isagoo carrabka ku dhuftay in aanu fileynin in ay is-bedel keeni doonto cid kasta oo Geeddi lagu bedelo.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ahaa guddoomiyihii Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka, haatanna ku sugan Dalka Eritrea waxaa kale oo uu u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in is-casilaaddii Ra’iisal Wasaare Geeddi ay qeyb ka ahayd qorshaha uu gumeysiga ku doonayo in uu ku qabsado Dalka Soomaaliya, wuxuuna in taas ku sii daray in cid kasta oo bedesha Cali Maxamed Geeddi ay iyaga u adeegi doonto.

 

 “Cali Maxamed Geeddi markii ay Guumeysiga ku gaareen Dantooda waxay ku qasbeen in uu is-casilo, Nin kasta oo lagu bedelana iyaga ayuu u shaqeyn doonaa” ayuu yiri Shiikh Sharifi Shiikh Axmed.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu dhanka kale taageeray Kooxaha Dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka, wuxuuna sheegay in ay xaq ku taagan yihiin.

 

“Ujeedada ugu weyn ee aan leenahay waxay tahay in aan la dagaalno cadawgeena, isla markaana aan ku qasabno in ay Dalkeena nooga baxaan”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay dhibaatooyin kala duwan u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

Shiikh Shariif oo sii hadlayay waxaa uu Dowladda Mareykanka ku eedeeyay inay taageero maaliyadeed iyo logistic ah ay siiso Dowladda Itoobiya, isagoo intaas ku sii daray in ay jiraan Dowlado kale oo iyana faragelin ku haya Arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu ka gaabsaday in uu magacaabo.

 

Hadalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu is-casilay Ra’iisal wasaarihi hore ee Soomaaliya Porf. Cali Maxamed Geeddi, isal markaana ay  maalmihii aynu ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya isku dhinac ah iyo Kooxaha hubeysan ee kas oo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).