8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Baydhabo gaaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 31, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu goor dhaweyd halkaas gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen.

 

Wafdigaas oo uu ka mid yahay Wasiirka Dalxiisa Itoobiya Maxamuud Dirir ayaa haatan waxay kulamo kula leeyihiin Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagu ku guda jira todobaadyo uu ka fiirsanayo mas’uulkii uu u magacaabi lahaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

 

Wafdigan ka socda Dowladda Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore waxay Baydhabo u tageen sabab la xiriirta khilaaf soo kala dhexgalay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, kuwaasi oo khilaafkii ugu dambeeyay oo dhexmaray uu keenay in uu is-casilo Prof. Geeddi.

 

Is-casilaadda uu sameeyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo la rumeysan yahay in ay ka dambeysay Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ayaa haatan wuxuu socdaalka wafdigan ka socda Dowladda Itoobiya ku soo beegmayaa iyadoo la sheegayo in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka wado Magaalada Baydhabo la-tashiyo ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo.

 

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay qabaan in haddiiba is-casilaadda Ra’iisal Wasaarihii hore ay ka timid Dowladahaas ay hadana lug ku yeelan doonaan soo magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, hayeeshee la arki doonee sida ay wax noqdaan todobaadyada soo socda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).