8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Waaxda Socdaalka Soomaaliya oo sheegtay in Xajka lagu aadi karo kaliya Baasaboorka cusub

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 31, 2007(HOL): Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday in Xujaayda dooneysa in ay sanadkan soo Xajiyaan ay ku safri karaan kaliya Baasaboorka cusub ee ay soo sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Agaasimaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ugu baaqay Dadka doonaya inay soo xajiyaan inay deg deg u qaataan Baasaboorka cusub, isagoo sheegay in ciddii uu ka dhaco waqtiga qaadashada Baasaboorka cusub loo sameyn doono dhaafiye KMG ah oo Xajka kaliya loo isticmaali karo (Travel Document for Haj).

 

C/llaahi Gaafow Maxamuud waxaa uu intaas ku daray  in ay la xiriireen Dowladda Sacuudiga iyo dowlado kale oo dhowr ah, kuwaasi oo ay kala hadleen arrimaha Baasaboorka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray in Baasaboorkii hore la sii isticmaali karo.

 

“Waqtigii loo qabtay isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliya waa uu dhamaaday, mana jirto sabab kalifeysa in dib loo soo celiyo isticmaalkiisa”ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Hadalka ka soo baxay Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee khuseynaya Xujaayda sanadkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xukuumadda Xilka sii heysa ee Soomaaliya ay shalay go’aamisay in Xajka lagu aadi karo Baasaboorkii hore, iyadoo shirka go’aankaas lagu gaarayna uu shir guddoominayay Sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Saalim Caliyow Ibrow.

 

Agaasimaha Waaxda Socdaalka oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa wuxuu sheegay in uusan go’aankaas waxba kala socon, balse waxaa uu xusay in haddii uu go’aankaas jiro loo baahnaa in loo soo gudbiyo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Sida laga xaqiijiyay Dad ku dhow Shirkadaha Duulimaadyada ee ka howlgala magaalada Muqdisho ma jirto ilaa iyo haatan cid ku socdaashay Baasaboorka cusub ee Soomaaliya, taasi oo ka degtay xitaa dalalka Soomaaliya la deriska ah, waxayna taasi dad badan ku dhalisay su’aal ah halka laga aqoonsan yahay Baasaboorkan ee lagu tegi karo, iyadoo aaney Dowladda Federaalkana si cad u sheegin Dalalka ay aqoonsiga uga heshay Baasaboorka cusub.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).