8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Kooxo Hubeysan oo Weerar ku qaaday Ciidamo Canshuur ka qaadayay Suuqa Dayax ee Degmada Huriwaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 31, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa goor dhaweyd waxay weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo lacago canshuur ah ka qaadayay Suuqa Dayax ee Degmada Huriwaa.

 

Dagaalka xooggan oo waqti kooban socday ayaa la sheegay in uu Suuqaas ka dhacay, iyadoo aakhirkiina ay Kooxihii weerar soo qaaday ay ku guuleysteen inay halkaas ka kaxeysteen Gaari ay lahaayeen Ciidamada Dowladda Hoose ee Canshuurta uruurinayay.

 

Lama oga ilaa iyo haatan khasaare kale oo uu dagaalkaas geystay, waxayse dadka ku dhaqan deegaankaas sheegeen in dagaalka uu ahaa mid culus oo la isugu adeegsaday Baasuukayaal iyo Rasaas kale oo ka dhaceysay Qoryaha fudud.

 

Dagaalkaas ayaa saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee Suuqaas ka socday, waxaana isaga cararay Ganacsatadii Suuqa iyo Dadkii Xoolaha keensaday, kuwaasi oo Xoolahooda la cararay.

 

Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay Suuqaas iyo Xaafadaha u dhow ay gaareen, iyagoo baaritaan ku bilaabay guryaha iyo goobaha ganacsi ee halkaas ku yaala.

 

Goob-jooge ku sugan Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa HOL u sheegay in uu arkay Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah oo ku sii socda Deegaanka uu ku yaalo Suuqa Dayax, kuwaasi oo uu sheegay in ay mararka qaarkood rasaas tuurayeen.

 

Ugu dambeyntiina, Dagaalkan ayaa wuxuu dhacayaa iyadoo maalmahan ay Ganacsatada Suuqaas ka cabanayeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay sheegeen in ay dhac u geystaan, isla markaana ay ka qataan Lacagta ay Suuqa ka shaqeysteen, iyagoo weliba sheegay inay Ciidamadaas yihiin kuwo Beel kaliya ka soo jeeda, waa sida ay Ganacsatadu hadalka u dhigeene.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).