8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo bilaabaya ka doodista Qodobo ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 31, 2007(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu shir ku leeyahay Xaruntiisa KMG ah ee Magaalada Baydhabo, iyadoo loo qeybinayo Ajende cusub oo ay ka doodi doonaan.

 

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in maanta Mudanayaasha Baarlamaanka loo qeybinayo Ajendayaal ku saabsan qodobo ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qabtay, isagoo xusay in ay markaas kadib Xildhibaannada u taalo in ay isla maantaba doodda bilaabaan ama ay dib u dhigtaan.

 

Qodobada ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Baarlamaanka loo gudbiyay ayaa waxaa ka mid ah qodob ku saabsan in Xubnaha gelaya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay noqdaan kuwo laga keeni karo Baarlamaanka dibaddiisa, halka markii hore ay ahayd in Ra’iisal Wasaaraha iyo Xubnaha Wasiirrada ay qasab tahay in Baarlamaanka dhexdiisa laga soo xulo.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo dorraad qudbad u jeediyay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Mudanayaasha Baarlamaanka laga doonayo in ay tixgeliyaan qodobo ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta, kuwaasi oo sida uu yiri ay saxiix weyn saareen Isaga, Prof. Geeddi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo weliba Duubabka Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed.

 

Hadalkaas Madaxweynaha waxaa laga dareemay in Madaxweynaha uu doonayo in Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono ay noqdaan kuwo inta badan ka yimaada Baarlamaanka Dibaddiisa, bacdamaa uu ku cel celiyay codsi ku saabsan in qodobadaas la meel mariyo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ma sahlana in Xildhibaannada Baarlamaanka ay ogolaadaan in Xubnaha Xukuumadda laga keeno Baarlamaanka Dibaddiisa, waxaana taasi sabab u ah iyadoo ay Baarlamaanka ku jiraan Xildhibaanno doonaya in ay ka mid  noqdaan Xukuumadda cusub ee soo socota ama xitaa ay hoggaan ka noqdaan, waxaana xusid mudan in ay Baarlamaanka ku jiraan Xildhibaanno si weyn ugu ololeeyay intii uu socday Shirkii Kenya in Xubnaha Xukuumadda laga soo doorto kaliya gudaha Baarlamaanka, iyadoo taasina ay keentay in Ra’iisal Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi oo aan ka tirsaneyn Baarlamaanka uu booska u baneeyo Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), kadibna sidaas loogu magacaabay xilka Ra’iisal Wasaarenimada.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).