8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Kooxaha Burcad Badeedka oo laga ciribtirayo Xeebaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 31, 2007(HOL): Kooxaha Burcad Badeedka ah ee in muddo ah Af-duubka ku hayay Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala Xeebaha Soomaaliya ayaa haatan waxaa lagu bilaabay cirib-tir, iyadoo la dagaalankooda ay u soo qalab-qaateen Maraakiib Dagaal oo Mareykan ah.

 

Markab laga qafaashay meel aan u dheereyn Dekedda Muqdisho ayaa waxaa u suurtagashay Markab Dagaal oo ay Ciidamada Badda Mareykanka leeyihiin in uu gacanta ku soo dhigo Markabkaas xili uu marayay meel u dhow Xeebta Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Markabkan la qafaashay oo lagu Dai Hong ayaa wuxuu ku dejiyay  Badeecooyin u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed Dekedda weyn ee Muqdisho, wuxuuna markii la qafaalanayay uu ku sii jeeday dhinaca Imaaraadka Carabta.

 

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya sida ay ku suurtagashay in markabkaas laga badbaadiyo Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee qafaashay ayaa waxay sheegayaan in ay markii hore dagaalameen Shaqaalaha Markabka saaran iyo Kooxaha Burcad Badeedka oo ahaa kuwo aan tiro badneyn, kadibna laga itaal roonaaday kooxdiii Burcadda ahayd, iyadoo dagaalka dhexmaray labada dhinacna uu sababay in ay geeriyoodaan labo ka mid ah Kooxdii Burcad Badeedka ahayd, halka uu dhaawac soo gaaray seddex ka mid ah Shaqaalihii Markabka saarnaa.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Markabka Dagaalka Mareykanka uu markaasi kadib qabtay Markabkii la qafaashay, shaqaalihii saarnaa iyo Shan ka mid ah Kooxdii Burcad Badeedka ahayd, iyadoo haatanna gudaha markabka lagu daweynayo Shaqaalihi dhaawaca noqday, halka shanta Burcad Badeedka ahna ay Ciidamada Mareykanka gacanta ku  hayaan.

 

Afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee ilaalada ka haya Xeebaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay ku sii daba-jiraan Markab kale oo dhawaan lagu af-duubtay Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo laga leeyahay Dalka Japan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xeebaha Soomaaliya oo in muddo ah ahaa kuwo laga cabsado ku safarkooda ayaa haatan waxay noqonayaan kuwo ammaan ah oo  aan agu arkeynin Kooxihii Maraakiibta iyo Doomaha Af-duuban jiray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).