10.7 C
London
Friday, October 24, 2025

C/Fataax Shaawey oo sheegay in Dadka Muqdisho ay ka qeybtaan Dagaalka lagala soo horjeedo Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 31, 2007(HOL): Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinacyada Ammaanka iyo Siyaasadda C/fataax Ibraahim Sabriye Shaaweey ayaa sheegay in  Dagaalka lagala soo horjeedo Dowladda Federaalka ay ka qeyb-qaataan Dadka Muqdisho.

 

C/fataax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho kula dagaalameen dadkii xaafadahaas deganaa, wuxuuna ugu baaqay dadka in ay ka waantoobaan la safashada kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

 

“Waxaan ugu baaqeynaa Dadka in ay joojiyaan ka qeybqaadashada Dagaalka, isla markaana waxa ay tabanayaan ay u gudbiyaan Dowladda, iyagoo u maraya qaab wada hadal ah”ayuu yiri C/fataax Shaawey.

 

C/fataax Shaawey oo ah mas’uulka ugu da’da yar Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in ay soo gaareen cabashooyin la xiriira dhac ay Ciidamada Dowladda u geysteen Dadka Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay arrintaas dabagal ku hayaan, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan askartii lagu helo in ay ku kaceen falal dhac ah.

 

“Ciidamada Dowladda looma soo dirin in ay Dadka dhacaan, balse waxa loo soo diray waxay tahay in ay ammaanka shacabka sugaan”ayuu mar kale yiri C/fataax Shaaweey.

 

Hadalka uu sii daayay mas’uulkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgallo ka sameynayay magaalada Muqdisho ay dhac u geysteen Dadkii ku sugnaa meelihii ay ka howlgelayeen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay wuxuu jeedinayay hadallo dadka u dhimrinaya, halka maalmo sii horeeyayna laga maqli jiray Mas’uuliyiinta Gobolka hadallo kulkulul oo qaar ka mid ah Dadka Muqdisho ku xambaaray in ay guryahooda ka cararaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).