10.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Somaliland: Waxbarashada iyo heerka ay maanta marayso

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 31, 2007(HOL): Horumar kasta oo qof walba oo adduunka korkiisa ku nooli gaadho, wuxuu u saamaxaa inuu taransado waxyaabo badan, oo aanay hore ugu suurtogasheen inuu hanto. Somaliland waxay 16-kii sannadood ee u dambeeyey ku jirtay dedaal ay kaga hormarayso dhinacyo badan, xagga Siyaasadda iyo arrimaha Bulshadaba.

 

Waxbarashada oo aalaa ah aas-aaska iyo rukunka uu ka abuurmo horumarka ay bulsho gaadho, isla markaana ah isha iyo rugta ay ka soo baxaan dad aqoon leh oo caqli ahaan iyo Cilmi ahaanba wax tari kara dalkooda, ayaa ka mid ah meelaha ay Somaliland horumarka ka gaadhay. Wax ka hirgelay muddadaa 6 Jaamacadood oo badi ku yaala Magaalada Hargeysa, marka laga reebo labada Jaamacadood ee Cammuud oo ku taala Borama iyo Jaamacadda Burco. Kuwa kale qaarkood ayaa ah Laamo (Branches) qaybahooda kale ka furan yihiin waddamo kale, sida Jaamacadda ADMAS oo Xarunteeda wayni tahay Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

 

Jaamacadda Hargeysa waxay ka mid tahay Jaamacadaha dalka ka jira kuwa ugu ardayda badan, isla markaana ah Jaamacaddii labaad ee laga furo dalka, marka la reebo Jaamacadda Cammuud ee Magaalada Borama oo iyadu ah tii ugu horraysay ee dalka laga furo. Ku-xigeenka hormoodka Kuuliyadda Sharciga iyo qaanuunka ee Jaamacadda Hargeysa, isla markaana ah Profesor Sharciga (Law) ka dhiga Jaamacadda, Prof. Aadam X. Cali Axmed, oo xog-waran iga siinayay heerka ay Jaamacaddu hadda marayso iyo tirada ardayda sanadkan ku biirtay, ayaa waxa uu sheegay in badi ardaydii sanadkan ka baxday Dugsiyada sare ay galeen Jaamacadda Hargeysa. Isla markaana ay kala galeen Kulliyado kala duwan. “Waxa soo dalbaday oo codsiyo u soo gudbiyay Jaamacadda sanadkan oo kaliya 950 ilaa 1000 arday, oo ka mid ah ardaydii sanadkan ka baxday Dugsiyada sare ee dalka. Waxaanan odhan karaa saddex meelood marka loo qaybiyo ardayda, laba meelood oo ka mid ah ayaa sanadkan soo galay Jaamacadda Hargeysa. Kuwaas oo ku kala biiray ama kala galay Kuliyaddaha, Business, Law, Computer Science, Medicine, Education iyo Distance learning” ayuu yidhi Prof. Aadan.

 

Wuxuu Prof. Aadan sheegay in ay jiraan Mac-haddo ka dhex jira Jaamacadda Hargeysa oo maamul ahaan hoos taga Maamulka Jaamacadda, kuwaas qabta hawlo kala duwan. Isla markaana ay Jaamacad ahaan ardayda ka qaadaan kharash (School Fee) sahlan oo ay awoodi karayaan ardaydu, mid lacag haysta iyo mid kaleba. “Jaamacaddu waxay leedahay Mac-haddo ka dhex jira, sida Legal Clinic Institute, oo dadka tabaalaysan siiya talooyinka sharci ee ay u baahan yihiin, isla markaana bilaash uga dooda Maxkamadaha dadka aan iska bixin karin kharashka Looyarka ama Qareenka iyo sidoo kale Mac-had la yidhaahdo Civil Service Institute oo lagu tababaro shaqaalaha dawladda. Kuwaas oo dhamaantood hoos taga Maamulka Jaamacadda. Ardaydana waxaanu ka qaadnaa lacag qaddarkeedu aanu sidaa u sii badnayn, oo ay awoodi karaan mid lacag leh iyo mid kaleba.” ayuu yidhi Prof. Aadan.

 

Kaliya maaha Jaamacaddaha waxa dalka ka hirgelay, hase ahaatee waxa iyana jira Dugsiyo sare oo ay dhigtaan arday tiro badan. Kuwaas oo marka loo eego Hargeysa oo kaliya ay ka jiraan 5 Dugsi sare (Secondry Schools) oo ah kuwo dawli ah (Public schools) iyo ilaa tobaneeyo kale oo ah kuwo gaar loo leeyahay (Private Schools). Kuwaas oo marka laysku daro ay ka soo baxaan arday tayo iyo tacliinba leh. Dhinaca kale waxa iyana jira Dugsiyo hoose/dhexe, oo iyaguna ay sanad kasta ka soo baxaan arday tiro ahaan ka badan kuwa ka soo baxa Dugsiyada sare. Kuwaas oo ay dhinac socdaan Mac-haddada lagu barto Luuqadaha iyo Xisaabaadka, oo iyaguna dhinacooda iska soo taraya.

 

Isku soo wada duuboo, guud ahaan kaalinta Waxbarasho ee dalka ayaa la odhan karaa waa mid gaadhay meel wanaagsan, isla markaana higsanaysa meel halkaa ka saraysa. Iyada oo waqtiba waqtiga ka dambeeya ay soo kordhayaan dugsiyada iyo goobaha waxbarasho, ha ahaato kuwo gaar loo leeyahay amaba kuwo dawladeed’e. Taas oo haddii ay sidaa u sii socoto, u muuqata mid waxtar badan u yeelan karta dalka.

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

kaariye104@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).