6.9 C
London
Friday, October 24, 2025

Mas’uulkii labaad oo ka tirsan Garsoorka Gobolka Banaadir oo is-casilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 27, 2007(HOL): Waxaa is-casilay oo shaqo  Garsoorenimo oo uu u hayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tegay Garsoore lagu magacaabo Cumar Cali Shirwac, kaasi oo is-casilaaddiisa ku sheegay hadal saxaafadeed uu soo saaray.

 

Mas’uulkan oo ka tirsanaa Maxkamadda Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu is-casilo kadib markii uu arkay sida uu hadalka u dhigay  in aysan Dowladda Federaalka ku wanaagsaneyn dhinaca Diinta Islaamka, sidoo kalena ay tahay mid sharciga ku tumaneysa.

 

“Waxaan u sheegayaa Umadda Soomaaliyeed iyo Saxaafadda gudaha iyo Dibadda in aan maanta wixii ka dambeeya ka mid ahay shacabka Soomaaliyeed, isla makraana aanan wax xil ah u heynin Dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Cumar Cali Shirwac oo sheegay in aaney Dowladda Federaalka siin jirin wax mushaarooyin ah.

 

Cumar Cali Shirwac ma sheegin sabab kale oo ku kaliftay in uu is-casilo marka laga reebo in uu u bogi waayay qaabka ay sharciga ugu dhaqmeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, tiiyoo weliba aanan garsoorayaasha siineynin wax mushaarooyin ah.

 

8dii Bishan Oktoobar ayay ahayd markii uu Dr. C/qaadir Axmed Nuur (Bukhaari) oo ka tirsanaa Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Dowladda Federaalka, kaasi oo sheegay in uu is-casilay kadib markii ay hanjabaado ka soo gaareen sida uu yiri kooxaha dadka dila.

 

Dr. C/qaadir waxaa uu sheegay in Muqdisho lagu dilay ku xigeenkii Xeer-ilaaliyaha Guud Dr. C/qaadir Maxamed Shiikh (Aayatullaahi), Guddoomiyihii Maxkamadda Huriwaa Shiikh C/qaadir Maxamed Warsame, halka uu sheegay in ay Garsoorayaal badan oo uu ku jiro Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hodan ay guryahoodii isaga soo carareen, isla markaana ay haatan seexdaan Xafiisyo iyo Hotello aysan kharashkooda iska bixin karin.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waa mas’uulkii labaad oo ka tirsan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu joojiyay howshii uu Dowladda u hayay tan iyo markii Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay bilaabeen in ay dilaan Dadka Dowladda u shaqeeya, walow ay jireen Dad diiday in ay qabtaan Xil loo dhiibi lahaa, waxaana ugu dambeeyay Dadkaas Nin lagu magacaabo Xasan Cali Warento oo iska diiday in uu qabto Xilka Guddoomiyenimada Degmada Waaberi oo uu u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, isagoo ku gaabsaday in uusan xiligan diyaar u ahayn in xil ka qabto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).