10.7 C
London
Friday, October 24, 2025

Kulan looga hadlay arrimaha Somalia iyo Ciidamada Africa oo ka dhacay Magaalada Kampala

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 27, 2007(HOL): Kulan ay soo qaban qaabisay Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay Wadankan Uganda, gaar ahaan Magaaladda Kampala, isla markaana ay ka soo qeyb galeen, Wasiir ku xigeenno, taliyayaal, Janaraallo iyo Wakiillo ka socda dhowr Safaaradood oo Africa iyo Yuurb iskugu jira, ayaa galabta ka dhacay qasriga Joachlim House, wuxuuna kulankaas ku saabsanaa ka war jeynta iyo dhiiragalinta Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Magaladda Muqdisho iyo u olooleynta sidii Wadamo kale oo African ah ay ciidamo ugu diri lahayeen Wadanka fowdada iyo qaska uu ka taagan yahay ee Somalia.

 

Is aragan oo qaatay muddo laba saacadood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Gaashaan-dhiga wadanka Uganda haweyaneyda la yiraahdo Ruth Nankabirwa, Taliyaha Ciidamada Lugata ee Uganda General Katumbe Wmala, Taliyaha isku xirka guud ahaan ciidamada Uganda Robert Rusoke, iyo u qeysamaha arrimaha Africa ee Safaaradda Mareykanka Eric L. Prenelow.

 

Somalia waxaa is aragtaas uga qeyb galay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda Mudane Xuseen Abuukar Xasan, wuxuuna ii sheegay in mas’uuliyiintii kulanka ka soo qeyb galay ay marka hore isku baraarujiyeen in xaalad xun oo adag ay Somalia ka jirto, ayna ka xun yihiin wax dhan ahaan ka jira dalka.

 

“Tacadiyo iyo falal xun oo ammaan darri ah ayaa ka jira Somalia, waxaana ka codsaneynaa dadka ay khuseyso in ay joojiyaan dhibka taagan” sidaa waxaa yiri u qeybsanaha Arrimaha Africa ee safaaradda Mareykanka Prenelow.

 

Dhowr Wadan oo African ah oo ciidamo u soo dira Somalia ayaan sugeynay, laakiin weli ma soo dirin, waloow weli aan laga rajo dhigin, waxaana ka codsaneynaa in Midowga Africa ay dar-dar galiyaan sidii loo soo kordhin lahaa ciidamo gobolka loo diro” ayay ku sii dartay Erica Prenelow.

 

Saraakiisaha Uganda ee is aragaas ka sheekeeyay ayaa iyaguna sheegay in ay Walaalahooda Somalia la dadaalayaan, isla markaana ay Nabadda ka taakuleynayaan, iyagoo sheegay in dhawaan ay ku darayaan Ciidankooda ka jooga Somalia 250 askari oo kale, ayna la shaqeynayaan Midowga Africa iyo beesha caalamka wixii looga baahdana ay diyaar la yihiin.

 

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee halkan Uganda Xuseen Garweyne oo xafladdaas ka qeyb galay ayaa sheegay in arrimaha Somalia ay u dhuun duleelaan guud ahaan diplomatsiyiinta halkan joogta, isagoo sheegay inuu kulamo kale la yeelan doono Safiirro Kampala jooga oo ay galabta isku soo hadal qaadeen arrimaha Somalia, waxaana kulankii maanat uu gogol xaar u yahay kulan kale oo ballaaran oo arrimaha Soomaaliya looga wada hadli doono.

 

Dhawaan waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Wadankan Uganda Yoweri Kaguto Museveni uu u duulo wadanka Mareykanka, halkaas oo uu wada hadallo arrimaha Somalia ku saabsan kula soo qaadi doono dhigiisa Mareykanka  George W. Bush oo uu marti qaad ka helay, iyadoo sidaas oo kale Uganda ay tahay Wadanka kaliya ee Ciidankiisa ku aaminay dalka aan Siyaasad iyo Nabad degan lahayn ee Soomaaliya.

 

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

farahblue_545@hotmail.com

Kampala, Uganda

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).