9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo Deg deg ugu laabtay Addis Ababa, una sii gudbaya Sacuudiga

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 24, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu booqasho kale oo deg deg ah  ugu laabtay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo ay ugu yeereen Madaxda Dalkaas.

 

Afhayeen u hadlay Ra’iisal Wasaare Geeddi oo lagu magacaabo C/llaahi Muxyaddiin Codka ayaa HOL u  sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu u tegayo magaalada Addisa Ababa ee Dalka Itoobiya arrimo ku saabsan sida uu hadalka u dhigay Arrimo la xiriira khilaafka dhinaca Dastuurka ah ee ku kala dhex jira Golayaasha Dowladda iyo weliba arrimo kale oo ku saabsan keenista Ciidamada Afrika ee Dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka waxaa uu intaas ku daray in Ra’iisal Wasaaraha uu socdaalka Itoobiya kadib u amba bixi doono Dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaasi oo uu iyana kulamo kula qaadan doono Madaxda Dalkaas, iyadoo uu carrabka ku dhuftay  in ay iyana Sacuudiga tegi doonaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, halkaasina ay seddexda ku yeelan doonaan kulan ay dhexdhexaadineyso Dowladda Sacuudiga.

 

Waa Socdaalkii labaad oo uu Ra’iisal Wasaare Geeddi muddo gaaban ku tago Dalka Itoobiya, isla markaana uu kulamo ku saabsan sidii xal loogu heli khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu la yeesho madaxda Dalka Itoobiya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, socdaalka deg degta ah ee uu markii labaad Ra’iisal Wasaare Geeddi ugu amba baxay Dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dib loo dhigay kulan ay maanta Baydhabo ku yeelan lahaayeen mudanayaasha Baarlamaanka, kaasi oo lagu eegi lahaa Qodobadda Axdi Qarameedka ah ee ay isku hayaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).