5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

Weerar habeennimadii xalay lagu qaaday Abaanduulaha Ciidamda Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 21, 2007(HOL): Ilaa Sadax Ruux ayaa inta la og-yahay ku dhaawacmay weerar habeenimadii xalay lagu qaaday Abaan-duulaha Ciidamada Gobalka Hiiraan Col. C/raxmaan Shiikh Ibraahim (C/raxmaan Dhagool) Xili uu kalan lahaa Xubno ka tirsan NGO lagu magaacabo HARDO oo  ka hor inta aan loo magacaabin Abaan-duulaha Ciidamada Gobalka uu gudoomiye ka ahaa.

 

Weerarka oo loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa waxaa xigay Rasaas Culus oo ay Ridiyeen Ciidamadii la soctay Abaan-duulaha taasoo keentay in uu dhaawac ka soo gaaro Sadax Ruux oo Riyid ah,  waxaana markii danbe tagay goobta weerarku ka dhacay Ciidamo ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan.

 

Waxaa dhamaanba la xiriray Goobihii ganacsiga ee ka ag-dhawaa halka Weerarku ka dhacay, sidoo kale waxaa ay joojiyeen ciidamadu isku socodka dadka iyo Gadiidka si markaa loo hubiyo dhaq-dhaqaaqa Goobta Qaraxu ka dhacay.

 

Abaan-duulaha Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan C/raxmaan Shiikh Ibraahim ayaa dhawaan Ciidamo uu watay waxaa ay gadood ka sameeyeen Gudaha Magaalada Beleweyne kuwaasoo saacado kooban qalalaase ka abuuray Bartamaha Maagalada,  ilaa hadana lama garanayo cida geesatay weerarka habeenimadii xalay lagu qaaday.

 

Weerarada lagu qaadayo Mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka Gobalka iyo Qaraxyada ka dhashay Bamka gacanta lagu tuuro iyo Miinada dhulka lagu aaso ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ay ahaayeen kuwo siweyn ugu soo badanaya Gobalka Hiiraan Gaar ahaan Magaalada Beledweyen,  16-Bishan aynu ku jirno ayeey aheyd markii xili habeenimo ah Bartamaha Magaalada Beledweyne uu ka dhacay Qarax siweyn looga wada maqlay dhamaan daafaha Magaalada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).