5.4 C
London
Sunday, October 26, 2025

Kooxo hubeysan iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Galabta Casir-Liiqii ku dagalaamay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 20, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka sameynayay Xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta Casir-liiqii weerar ku qaaday Kooxo hubeysan.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah oo howlgallo ka sameynayay agagaarka Taleefashinkii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku soo qaadeen Kooxo ku hubeysnaan Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo qori gacmeed

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii weerarka loo geystay kadib waxay fureen rasaas tiro badan oo isugu jirtay mid yar yar iyo mid waa weyn, taasi oo aan la ogeyn khasaarihii ay geysatay.

 

Goob-jooge ku sugan halka uu dagaalka ka dhacay ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka markii la weerarayay ay hub iyo waxyaabo qarxa ka baarayeen Xaafadda Towfiiq, kuwaasi oo markii weerarka lagu qaaday kadib joojiyay howlgalkii ay wadeen.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa had iyo jeeraale waxaa lagu qaadaa weerarro hubeysan, iyadoo la sheego in ay weerarradaas ka dambeeyaan Kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda Dalka Soomaaliya.

 

Weerarka galabta lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Muqdisho ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaaka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).