Sabti, October 20, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar uu Baydhabo ugu qudbeynayay Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tiradoodu ay 100 mudane kor u dhaafeysay waxaa uu ka warbixiyay socdaal seddex maalmood qaatay oo uu ku tegay Dalka Itoobiya.
Ra’iisal Wasaaraha waxa uu sheegay in uu Magaalada Addis Ababa kulan kula soo yeeshay Mas’uul ka socday Midowga Yurub, Mareykanka, Midowga Afrika iyo Madaxda Dowladda Itoobiya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyda nabadgelyada, horumarinta iyo Dib u heshiisiinta, wuxuuna caddeeyay in dhinacyadii uu la kulmay ay hoosta ka xariiqeen in xalka Soomaaliya uu ku jiro dib u heshiinta.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa intii uu hadlayay waxaa uu difaacayay kulamo wax ka taraya Dib u heshiisiinta Soomaaliya oo uu la qaatay mas’uuliyiin ka tirsanaa maxkamadihii Islaamka, Madaxweynaha Dowladdii Carta C/qaasim Salaad Xasan iyo Odayaasha Beelaha Hawiye, wuxuuna sheegay in ay kulamadaas ahaayeen kuwo ay Xukuumaddiisa u qaaday dhinaca Dib u heshiisiinta.
Mar uu ka hadlayay waxa ay Soomaaliya u baahan tahay waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay xukuuno ku saleysnaa Qab weyni siyaasadeed iyo ku-tumasho sharci, sidaas darteedna wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay Soomaaliya u gudubto Hoggaan cusub oo Dimoqraadi ah.
Waxaa uu soo hadal qaaday kala qeybsanaanta u dhaxeysa Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay in uu Baarlamaanka soo dhexgalay sida uu u yiri Virus, wuxuuse sheegay in Xildhibaannada looga baahan yahay in ay fuliyaan dhaartii ay dhaarteen.
Prof. Cali Maxamed Geeddi waxaa uu ka hadlay cabashooyin ay marar kala duwan soo jeediyeen Shacabka Muqdisho, kuwaasi oo ka cabanayay dhibaatooyin ay u geysteen Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in uu la socdo in ay jiraan Dad Dharka Dowladda dhibaatooyin ku geysta.
Wuxuu ugu baaqay Dadka Muqdisho in ay iska celiyaan Dadka soo labistay dharka Dowladda ee dhibaatada u geysanaya, isagoo carrabka ku adkeeyay in uu ku kalsoon yahay in ay Dadka Muqdisho ugu dambeynta ka guuleysan doonaan kooxahaas barakicinaya ee dhibaatada u geysta.
Mar uu ka hadlayay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in arrintaas la doonayo in uu Baarlamaanka qaab sharci ah u wajaho, isla markaana uu qodobada siyaabaha qaldan loo tarjumay ee la isku hayo uu si rasmi ah u soo saaro.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayuu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Geeddi in ay u hiiliyaan Axdi Qarameedka, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in aan lagu dhaqmin Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu ka hadlay xarigga Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun oo weli Xabsi ku jira, wuxuuna sheegay in uu Mas’uulkaas sharci darro ku xiran yahay hayeeshee la soo deyn doono.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






